HomeCaalamkaMaamulka Dalsan Media Group oo ka tacsiyadeeyay geerida Weriye Cawil Daahir ...

Maamulka Dalsan Media Group oo ka tacsiyadeeyay geerida Weriye Cawil Daahir Salaad

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Maamulka Dalsan Media Group  waxay sheegeen inay aad uga naxeen warka ku aadan geerida Saxafigaasi, waxayna Allaha uga baryeen inuu Marxuumka ka waraabiyo Janatul-fardowsa, isla markaana uu qoyskiisa iyo ehelkiisa ka siiyo Samir iyo iimaan buuxa. Haddaba, haddaynu eegno Taariikh Nololeedka AUN Weriye Cawil Daahir  Salaad waxa uu ku dhashay Muqdisho, halkaasi oo uu , […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maamulka Dalsan Media Group  waxay sheegeen inay aad uga naxeen warka ku aadan geerida Saxafigaasi, waxayna Allaha uga baryeen inuu Marxuumka ka waraabiyo Janatul-fardowsa, isla markaana uu qoyskiisa iyo ehelkiisa ka siiyo Samir iyo iimaan buuxa.

Haddaba, haddaynu eegno Taariikh Nololeedka AUN Weriye Cawil Daahir  Salaad waxa uu ku dhashay Muqdisho, halkaasi oo uu , ku soo barbaaray, kuna dhamaystay Tacliinta ilaa heer Jamaacdeed, wuxuuna xilligii berri-samaadkii ee Dowladii Kacaanka  ka mid ahaa Weriyayaashii ugu cod-karsanaa ee Radio Mogadishu.

- Advertisement -

AUN Marxuumka oo da’da 40-aadka ku jiray waxa uu ahaa War-akhriye iyo Soo-saarihii Barnaamijkii xiisaha badnaa ee Sheeko Gaaban, kaasi oo toddobaadkiiba labo jeer ka bixi jirey Radio Muqdisho.

Burburkii Dowladdii Kacaanka kadib, AUN Weriye Cawil Daahir Salaad waxa uu halkiisa ka sii watay Xirfadiisa Suxufinimo, wuxuuna ka shaqeeyey Warbaahino madax-bannan, oo ay ka mid yihiin Wargeyskii Towfiiq iyo Idaacaddii iyo Telefishinkii Horn Afrika iyo xilligan oo uu ka tirsanaa Telefishinka Universal oo ay Xaruntiisa Dhexe ku taallo caasimadda dalak Britain ee Loncon.

AUN Cawil Daahir Salaad waxa uu dhowr iyo tobankii sanno ee ugu dambeysay ku noolaa dalka Britain, halkaasi oo ay Xaas iyo carruur u deggan yihiin.

- Advertisement -

Suxufiyiinta la soo shaqeeyey AUN Cawil Daahir waxay tilmaameen inuu ahaa Saxafi Rug-caddaa ah, Xirfadle ah, Hal-abuur dhisan lahaa, isla markaana Aftahan ku ahaa qaabka loo qaado Wareysiyadda iyo sida loo dhiraan-dhiriyo hadba Dhacdooyinka Tagaan.

Ma ahayn Saxafi la gambada Su’aalaha la weydiiyo Madaxda Qaranka iyo Siyaasiyiinta Muxaafidka iyo Mucaaradka, waxaana uu magic iyo shacbiyad ku kasbaday Barbnaamijka TV-ga Universal ee Talo-wadaag ee uu inta badan ku qaban jirey Madasha Furan iyo Xarunta Universal TV ee magaalladda Muqdisho.

AUN Marxuum Cawil Daahir Salaad waxa kale oo lagu xasuustaa Sheekadii caan baxday ee “Inta uu Waayuhu I baday, Waqtiga ha ku baro”, taasi oo ahayd Sheeko Taxane ah oo Kalgacal loogu waqlalay.

Cawil Daahir Salaad waxa uu sannooyinkii ugu dambeeyey u soo wareegay magaalladda Muqdisho, isagoo ka hawl-geli jirey Xarunta Universal TV ee  magaalladda Muqdisho.

Bishii October ee sannadkii 2015-ka, Cawil Daahir waxaa lagu xiray God Jilicow, kadib, markii ay Dowladda dhibsatay Barnaamij Dood-wadaag oo uu u qabanqaabiyey Xildhibaano ka tirsanaa Barlamaanka Federalka ee xilligaas.

Barnaamijkaasi ayaa waxaa looga doodayey  Xaalladda DFS iyo Hiigsiga Doorashaddii 2016-kii.

AUN Cawil Daahir waxaa xilligaasi lala xiray Madaxa Xafiiska Universal TV ee magaalladda Muqdisho, C/llaahi Xirsi Kulmiye, waxaana markii dambe la sii daayey, iyagoo aan wax Maxkamad ah la soo taagin.

Si kastaba ha ahaatee, AUN Weriye Cawil Daahir Salaad iyo 3 ka tirsan shaqaalaha Xafiiska Universal TV ee Muqdisho waxay nasiib-xumo ku geeriyoodeen qaraxii barqanimadii maanta ka dhacay nawaaxiga Tiyaatartka Qaranka  (National Theatre) ee magaalladda Muqdisho.

Inaa Lilaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun.

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts