HomeCaalamkaWakiilka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya oo cambaareeyay Qaraxyadii Muqdisho

Wakiilka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya oo cambaareeyay Qaraxyadii Muqdisho

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Danjire Xamuuda bin Samraan Al-xuweydhi oo ah wakiilka  Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyay  qaraxyadii shalay ka dhacay magaalada Muqdihso oo ay ku nafwaayeen dad farabadan. Bayaan uu wakiilka soo saaray  ayuu uga tacsiyadeeyay ehelada dadkii ku naaf waayay iyo kuwii ku dhaawacmay qaraxyadaasi intaba, wuxuuna allah ugu baryay inuu uga […]

- Advertisement -

Danjire Xamuuda bin Samraan Al-xuweydhi oo ah wakiilka  Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyay  qaraxyadii shalay ka dhacay magaalada Muqdihso oo ay ku nafwaayeen dad farabadan.

Bayaan uu wakiilka soo saaray  ayuu uga tacsiyadeeyay ehelada dadkii ku naaf waayay iyo kuwii ku dhaawacmay qaraxyadaasi intaba, wuxuuna allah ugu baryay inuu uga bishaareeyo kuwii ku shahiiday dhacdadaasi  Janadiisa firdowsa, ehaladii ay ka tageena samir iyo iimaan ka siyo, isla markaana kuwii ku dhaawacmayna  uu alle caaifimaad deg deg ah siiyo.

- Advertisement -

Danjire Xamuuda wuxuu sheegay in falalkan noocan ah ee weerarrada argagixisada ee lagu qaado goobaha dadka rayidka ah ku ssugan yihiin ay  yihiin kuwa diinta islaamka ka soo  ka soo horjeeda,wuxuuna ku booriyay Xukuumadda Soomaaliya inaysan  ka niyad jabin weerarada noocan ah oo ay sii waddo hawlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ayna horumariso dhismaha Dowladnimo.

Wuxuu ugu dambeytii daboolka ka qaaday wakiilka Ergada Jaamacadda Carabta u fadhiya Muqdisho inay jaamacadda Carabta ay barbar taagan tahay Xukuumadda iyo Shacabka Soomaaliya sidii ay uga gudbi lahaayeen dhibaatooyinka dalka ka jira.

Latest stories