HomeCaalamkaMichael Keating : "Waxaan tuhunsanahay inuu Madaxweyne Farmaajo ka badbaadi doono Mooshinka...

Michael Keating : “Waxaan tuhunsanahay inuu Madaxweyne Farmaajo ka badbaadi doono Mooshinka Codka Kalsoonida.”.

Date:

Related stories

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Ergaygii hore ee QM ugu qaabilsanaa Arrimaha Somalia, Michael Keating waxa uu hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khaas ah oo uu siiyey Hay’adda Wararka Jarmalka ee DW waxa uu tilmaamay inay nasiib-xumo tahay Suuq Siyaasadeed ee Somalia, oo uu xusay inaan la xalin karin Gacmaha Lacagaha is-dhaafsanayo, waa sida uu hadalka u dhigay. Waxa uu sheegay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ergaygii hore ee QM ugu qaabilsanaa Arrimaha Somalia, Michael Keating waxa uu hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khaas ah oo uu siiyey Hay’adda Wararka Jarmalka ee DW waxa uu tilmaamay inay nasiib-xumo tahay Suuq Siyaasadeed ee Somalia, oo uu xusay inaan la xalin karin Gacmaha Lacagaha is-dhaafsanayo, waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sheegay inay taasi qeyb ka tahay walaaca asaska u ah Beelaha iyo ku loolanka Xilalka iyo helitaanka Awoodaha iyo dhamaan wixii la halmaala, waa sida uu hadalka u dhigay.

- Advertisement -

“Waxaan ka shaki qabaa inuu Madaxweynuhu ka badbaadi karo Mooshinka haatan yaalla. Waxaan ku noolaa iyadoo ay  marar badan dhaceen  arrimo looga soo horjeedo Ra’isul-wasaarayaal iyo Madaxweynayaal muddadii ku-dhawaadka 3-da sanno ee aan joogay Somalia” ayuu yiri Ambassador Michael Keating oo intaasi ku daray inay Somalia doorashooyin ka dhaceen 18-bilood ka hor.

Xildhibaano ka tirsan BFS waxay bishan December 9-dii Mooshin Gole-joojin ka keeneen Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo, wuxuuna Mooshinkaasi abuuray Xiisad Siyaasadeed oo ilaa iyo haatan taagan.

Mar wax laga weyddiiyey Arrimaha Ammaanka iyo haddii ay Soomaalida awoodi karaan inay Ammaanka dalkooda la wareegaan waxa uu Michael Keating sheegay inuu u malaynayo inay qaadan doonto muddo 10-sanno ama xitaa hal Jiil (A a generation , in si buuxda ay ula wareegaan.

- Advertisement -

Wareysiga uu Ergaygii hore ee QM ugu qaabilsanaa Arrimaha Somalia, Michael Keating  siiyey  Hay’adda Wararka Jarmalka ee DW  waxa uu ku xusay inaysan Deganaansho la’aanta Somalia cidna dan ugu jirin, hadday noqon lahayd dadka Soomaalida ama dalalka deriska.

“Ethiopia, Kenya, Jabuuti, Gacanka Carbeed iyo Europe uma baahna deganaansho la’aanta Somalia” ayuu yiri Ambassador Michael Keating.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts