HomeCaalamkaSawirro:- Ugu yaraan 7 qof oo ku geeriyootay shil Tareen oo ka...

Sawirro:- Ugu yaraan 7 qof oo ku geeriyootay shil Tareen oo ka dhacay Magalada Ankara

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Guddoomiyaha Ankara, Vassip Sahin ayaa sheegay in ay ugu yaraan 7 qof geeriyootay, 43 kalena ku dhaawacmeen, kadib, markii uu Tareenka nooca dheereeya  herdiyey gaadiid kale oo ay la socdeen Kormeerayaal dabagal ku sameeya Tareenadda. Waxa uu intaasi ku daray in ay socdaan dadaalka gurmadka iyo baaritaanka dhinaca farsamo waxa sababay shilkaasi oo ka dhacay […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Ankara, Vassip Sahin ayaa sheegay in ay ugu yaraan 7 qof geeriyootay, 43 kalena ku dhaawacmeen, kadib, markii uu Tareenka nooca dheereeya  herdiyey gaadiid kale oo ay la socdeen Kormeerayaal dabagal ku sameeya Tareenadda.

Waxa uu intaasi ku daray in ay socdaan dadaalka gurmadka iyo baaritaanka dhinaca farsamo waxa sababay shilkaasi oo ka dhacay Degmadda Yenimahalle ee Galbeedka Ankara.

- Advertisement -

Tareenka shilka galay oo lagu magacaabo the Marsandiz train  oo isaga kala gooshayey magaalooyinka Ankara iyo Konya waxa uu shilka ku galay Bosteejo uusan caadi ahaan loogu talagalay inuusan Tareenkaasi joogsanin.

Muuqaalo laga soo duubay goobta uu shilku ka dhacay waxay muujiyeen Shaqaalaha Gurmadka oo gurmad u fidinaya dadka ku hoos xaniban qeybo ka mid ah Rimoorada Tareenka.

Dhinaca kale, Ma aha shilkii ugu xumaa ee dhinaca Tareenadda ee ka dhaca dalkaasi.

- Advertisement -

Bishii July ee sannadkan, 10 qof ayaa ku geeriyootay, in ka badan 70-kalena wey ku dhaawacantay, kadib, markii uu Tareen ay la socdeen dad rakaab ah uu ku qalibmay W/galbeed ee dalkaasi.

Sidoo kale,  bishi ila soo dhaafay, 15 qof ayaa ku dhaawacantay Shil Tareen oo ka dhacay Deegaan 260 KM dhanka K/galbeed kaga toosan caasimadda dalkaasi ee Ankara.

Latest stories