HomeWararSawirro:-Guddoomiye Mahad Cawad oo la kulmay wafdi ka socda dalka Suudaan

Sawirro:-Guddoomiye Mahad Cawad oo la kulmay wafdi ka socda dalka Suudaan

Date:

Related stories

Duq magaalo oo Mexico ah oo “guursaday” yaxaas si loo raadiyo barwaaqo

Duqa magaalada San Pedro Huamelula ee Mexico ayaa ka qeybgalay xaflad dhaqameed uu “ku guursaday” yaxaas loo labisay sida aroosad, iyadoo dadka deegaanka ay rumeysan yihiin in munaasabaddan ay keento barwaaqo, roob iyo wax-soo-saar wanaagsan.

Haweeney Ruush ah oo 27 jeer uur qaaday, 69 carruur ah dhashay

Valentina Vassilyeva ayaa taariikhda lagu xusay inay 27 jeer uur qaadday, iyadoo dhashay 69 carruur ah, oo ay ku jiraan 16 laban-laab, 7 saddex-laab iyo 4 afar-laab.

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho kula kulmay wafdi ka socday Jaamacadda Omdurman ee dalka Sudan. Wafdiga waxaa hogaaminaayay Professor Xeydar oo ah guddoomiye ku xigeenka Jaamacadda Omdurman. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta iyo dhiira gelinta tacliinta sare ee labada dal […]

- Advertisement -

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho kula kulmay wafdi ka socday Jaamacadda Omdurman ee dalka Sudan.

Wafdiga waxaa hogaaminaayay Professor Xeydar oo ah guddoomiye ku xigeenka Jaamacadda Omdurman.

- Advertisement -

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta iyo dhiira gelinta tacliinta sare ee labada dal iyo sidii waxbarasho sare loo siin lahaa dhalinyarada Soomaaliyeed.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Golaha Shacabka uu dhiira gelinayo sare u qaadista waxbarashada.

“Golaha Shacabka waxa uu bogaadinaya wada shaqeynta iyo xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya Jaamacadda Omdurman iyo jaamacaddaha dalkeena”. ayuu yiri guddoomiye Mahad.

- Advertisement -

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa dowladda Sudan iyo shacabkeeda kaga mahad celiyay deeqaha waxbarasho oo ay siiyaan ardayda Soomaaliyeed.

Masuuliyintii uu hogaaminaayay guddoomiye ku xigeenka Jaamacadda Omdurman ee dalka Sudan Professor Xeydar ayaa dhankooda Golaha Shacabka ku amaanay dadaalka uu ugu jiro sare u qaadista waxbarashada.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka guddiga arrimaha bulshada ee Golaha Shacabka mudane Cali Cusmaan Xirsi “Cali Jowhar” iyo wasiiru dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya mudane C/qaadir Sheekh Cali Ibraahim “Baqdaadi”.

Latest stories