HomeWararPuntland oo siideysay Nin ku xukunaa Dil toogasho

Puntland oo siideysay Nin ku xukunaa Dil toogasho

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Maamulka Puntland ayaa Xabsiga ka siidayay Cabdirisaaq  Xuseen Tahliil oo ah Ganacsade kasoo jeeda Galmudug, kadib markii maalmo kahor Maxkamadda Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ay xukun Dil ah ku riday,iyada oo lagu eedeeyay in uu ka tirsan yahay Al-Shabaab. Waxaa la sheegay in Dadaalo iyo Wadalo Dhexmaray Madaxda Galmudug iyo Puntland Gaar ahaan Guddoomiyeyaasha […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maamulka Puntland ayaa Xabsiga ka siidayay Cabdirisaaq  Xuseen Tahliil oo ah Ganacsade kasoo jeeda Galmudug, kadib markii maalmo kahor Maxkamadda Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ay xukun Dil ah ku riday,iyada oo lagu eedeeyay in uu ka tirsan yahay Al-Shabaab.

Waxaa la sheegay in Dadaalo iyo Wadalo Dhexmaray Madaxda Galmudug iyo Puntland Gaar ahaan Guddoomiyeyaasha Magalada Gaalkacyo ee Maxamuud Yaasiin Tumey iyo Xersi Yuusuf Barre lagu siidaayay.

- Advertisement -

Cabdirisaaq Tahliil ayaa waxaa xili habeen lagala baxay Gurigiisa oo ku yaalla Magaalada Gaalkacyo,iyadoona waxyar kadib Qabashadii Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbi-Dhagax) uu kasoo muuqday Maxkamad ku taalla Puntland,waxana Puntland ay ku xukuntay dil toogasho.

Maalmo kahor ayey aheyd markii Dibadbaxyo Rabshado Wata oo ay dhigeen boqolaal shacab ah oo careysnaa,kaasi oo ka dhacay Koonfur Magaalada Galakacyo,isla markaana ay uga soo horjeedeen xukunka dilka ah ee Maxkamadda Puntland ay ku xukuntay Cabdirisaaq Tahliil.

Cabdirisaaq Tahliil ayaa markii laga soo daayay Maxkamadda Puntland Maanta laga soo dajiyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts