HomeWararDowladda Soomaaliya oo soo dhoweysay xarigga koloneyl Gabre

Dowladda Soomaaliya oo soo dhoweysay xarigga koloneyl Gabre

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Iyadoo xabsiga la dhigay Col. Gebregziabher Alemseged balse dadka Soomaaliyeed u yaqaaniin Koloneyl Gabre, ayaa war ka soo baxay dowladda Soomaaliya. Qoraal uu baahiyay Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa tilmaamay inay dowladda federaalka ah la dhacsan tahay xabisga loo taxaabay Gabre, oo caan ka ah Soomaaliya. Warka oo la soo dhigay tirsiga Twitter-ka ee Cabdin-nuur […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Iyadoo xabsiga la dhigay Col. Gebregziabher Alemseged balse dadka Soomaaliyeed u yaqaaniin Koloneyl Gabre, ayaa war ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

Qoraal uu baahiyay Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa tilmaamay inay dowladda federaalka ah la dhacsan tahay xabisga loo taxaabay Gabre, oo caan ka ah Soomaaliya.

- Advertisement -

Warka oo la soo dhigay tirsiga Twitter-ka ee Cabdin-nuur Maxamed Axmed ayaa lagu yiri. “Waa akhbaar wanaagsan in Itoobiya lagu xiray Koloneyl Gabre oo xumaan ku caanbaxay.  Waa nin muddo dheer ku lug lahaa oo faragelin iyo xasillooni-darro ku hayay Soomaaliya. Xariggiisu waxa uu muujinayaa sida ay Itoobiya uga go’an tahay deganaanshaha geeska Afrika”.

Arrintan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo ay soo vaxeen warar tibaaxay in codsiga madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo lagu xiray kolneyl Gabre, laakin Dalsan Media Group ma xaqiijin dhabnimada sheekadaasi.  Geesta kale, gudaha dalka federaalka ah ee Itoobiya ayaa waxaa socda tallaabooyin lagu beegsanayo saraakiisha maamulladii Zenaawi iyo Desalin, gaar ahaab kuwa lala xiriiriyay tacadiyada xuquuqda Aadamaha.

Koloneyl Gabre, tacadiyada loo heysto waxaa ka mid noqon kara xad-gudub xuquuqda Aadamaha iyo ku lugyeelashada dibadbaxyadii qalalaasaha watay ee ka dhigay meelo ay ka mid tahay magaalada Jigjiga.

- Advertisement -

Koloneyl Gabre oo hore u ahaa taliyihii ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya soo galay sannadkii 2007, ayaa mar kasta ku lug lahaa arrimaha gudaha balse bishii June ee sannadkan ayaa laga eryay la-talintii IGAD ee arrimaha Soomaaliya

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts