HomeCaalamkaKhadiija Kensig : Khaashuqji isaga oo aan i macsalaameyn ayay iga dileen

Khadiija Kensig : Khaashuqji isaga oo aan i macsalaameyn ayay iga dileen

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Wareysi ay BBC-da siisay ayey Khadiija Kensig ku sheegtay in ay ku kalsoontahay baaritaanada uu wado Turkiga ee ku aadan dilka Jamal Khashoqji balse ay ka codsaneeyso beesha caalamka inay gacan ka siyaan Turkiga baaritaanada socda. Waxay waddamada reer galbeedka ka codsatay in ay dhinac iska dhigaan xifaaltanka kala dhaxeeyo Turkiga. ”Tani waxay ahayd dhacdo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wareysi ay BBC-da siisay ayey Khadiija Kensig ku sheegtay in ay ku kalsoontahay baaritaanada uu wado Turkiga ee ku aadan dilka Jamal Khashoqji balse ay ka codsaneeyso beesha caalamka inay gacan ka siyaan Turkiga baaritaanada socda.

Waxay waddamada reer galbeedka ka codsatay in ay dhinac iska dhigaan xifaaltanka kala dhaxeeyo Turkiga.

- Advertisement -

”Tani waxay ahayd dhacdo la yaab leh, qof walbo oo ka dambeyay soona amray in la dilo Jamaal, kuwii falkan fuliyay, qof walbo oo ka dambeyay ama gacan ka geeystay dilkan waa in caaddaalad la marsiiyo” ayey tiri Khadiija oo ah gabadhii u doonnaneyd Jamaal Khashoqji.

Khadiija Kensig waxay ka mid ahayd dadkii ugu dambeyay ee arka Jamaal Khashoqji ka hor inta uusan gelin qunsuliyadda Sacuudiga ee lagu dilay.

Iyadoo murugeysan oo ilmeyneeysa ayey BBC-da u sheegtay saameeynta ay dhimashada Jamaal ku reebtay.

- Advertisement -

”ma anaan fileyn dhimashadiisa, Jamaal in uu dhintay umaanan maleyneynin, waxay ahayd dhacdo argagax leh, waxaan isku diyaarineynay inaan aroos galno goor dhow, kadibna waxaa dhacay waxaanan filaneynin, argagax ayey ahayd”.

Khadiija Kensig ayaa sheegtay inaysan aaminin in Jamaal Khashoqji uu dhintay illaa ay boqortooyada Sacuudiga xaqiijisay dhimashadisa.

”Wuxuu galay safaarada gudaheeda kama uusan soo laaban, xitaa ismaanan macsalaameynin, hadii qof u dhimanaayo, waa inaad ka aragtaa il geeriyeed, waxaas dhan ma aysan dhicin, ma naqaano waxa ku dhacay isaga, xita maanan arkin. Ilaa dhimashadiisa ay xaqiijiyeen Sacuudiga ma aaminin in uu dhintay, waxaan qabay rajo ah in uu noolyahay balse maalinki ay xaqiijiyeen dhimashadiisa waxay iila mid ahayd inay i dileen dhowr jeer” ayey tiri Khadiija Kensig.

Khadiija Kensig ayaa dalbatay in madaxweyne Trump uu gacan ka gaysto in daaha laga rogo runta ku xeeran dilkaas, uuna xaqiijiyo in caddaalad la helo.

Iyada oo ka qayb galaysa xus loogu sameeyay London Hatice Cengos sheegtay in Trump uusan ogolaanin in la fasaxo qarinta dilka Khashoqji.

Mas’uuliyiinta Sucuudiga ayaa dilka Jamaal Khaashuqji ku sheegay “howlgal khaldamay”, iyagoo bixiyay macluumaad horleh oo sii huriyay carada caalamka, balse ka duwan kuwii horey uga soo yeeray.

Wasiirka arrimaha dibadda Caadil Al-Jubeyr ayaa warbaahinta Fox News u sheegay in “dilka” uu ahaa “khalad aad u weyn” wuxuuna beeniyay in dhaxal sugaha boqortooyada ee awoodda badan uu amray dilkaas.

Sida ay tabinayso wakaaladda wararka ee Sucuudiga, Boqor Salmaan iyo wiilkiisa ayaa labaduba taleefoon kula hadlay wiilka uu dhalay Jamaal Khaashoqji oo Saalax lagu magacaabo, iyaga oo oga tacsiyeeyay dilka aabihiis loo geystay.

Wariyahaas ayaa markii ugu dambeysay la arkayay isagoo sii galaya Qunsuliyadda Sucuudiga ee magaalada Istanbul.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts