HomeCaalamkaMadaxweynaha Suudaan oo Warqadaha Aqoonsiga ka Guddoomay Safiirka Soomaaliya

Madaxweynaha Suudaan oo Warqadaha Aqoonsiga ka Guddoomay Safiirka Soomaaliya

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Madaxweynaha Dalka Suudaan Mudane Cumar Xasan Al-bashiir ayaa maanta oo Isniin ah Warqadaha Aqoonsiga Danjirnimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doono Suudaan Mudane Cabdi Risaaq Axmed Shoole.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibeda ee Dalka Suudaan Usama Feysal ayaa sheegay in Madaxweyne Al Bashiir uu adkeeyay rabitaanka Suudaan ee iskaashi dhex mara Dowladaha Soomaaliya iyo Dalkiisa oo dhan walba ah, isagoo sheegay in Madaxweyne Al-Bashiir uu balanqaaday in Dowlada Suudaan ay safiirka ka gacan siineyso sidii uu u gudan lahaa Howlaha loosoo igmaday.

- Advertisement -

Mudane Cabdi Risaaq Axmed Shoole Safiirka Soomaaliya ee Suudaan ayaa dhankiisa sheegay inuu ka shaqeyn doono sidii kor loogu qaadi lahaa Xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Suudaan, isagoo u mahad celiyay Madaxweyne Al Bashiir iyo Shacabka Suudaan sida wanaagan ay usoo dhaweeyeen.

Dhinaca kale Madaxweyne Al Bashiir ayaa isla maanta Warqadaha aqoonsi ka guddoomay Safiirada Dalalka Malaysia, Spain, Sri-lanka iyo Croatia.

Latest stories