HomeWararTurkiga oo haya caddeymaha dilka Khashoggi

Turkiga oo haya caddeymaha dilka Khashoggi

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Wargeyska Washington Post ayaa qoray in saraakiisha Mareykanka ay ku wargelisay dowladda Turkiga in Ankara ay hayso cod iyo muuqaal caddeynaya in suxufiga Sacuudiga ee Jamal Khashoggi lagu dhex-dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul. Codka iyo muuqaalka ayaa muujinaya in Khashoggi lagu xiray qunsuliyadda labadii October kadib markii uu galay, la jir dilay kadibna la dilay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wargeyska Washington Post ayaa qoray in saraakiisha Mareykanka ay ku wargelisay dowladda Turkiga in Ankara ay hayso cod iyo muuqaal caddeynaya in suxufiga Sacuudiga ee Jamal Khashoggi lagu dhex-dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul.

Codka iyo muuqaalka ayaa muujinaya in Khashoggi lagu xiray qunsuliyadda labadii October kadib markii uu galay, la jir dilay kadibna la dilay oo jirkiisa la jarjaray, sida ay saraakiil Mareykan iyo Turkish ah u sheegeen wargeyska.

- Advertisement -

Saraakiishan oo aan la magacaabin ayaa sheegay in codka la hayo uu muujinayo caddeymo aad looga naxo oo ku saabsan xaaladda Khashoggi, sida Washington Post ay tiri.

Warbixinta waxa ay sheegtay inaysan caddeyn haddii saraakiisha Mareykanka ay arkeen ama maqleen muqaalka iyo codka, hase yeeshee saraakiisha Turkiga ayaa kuwa Mareykanka la wadaagay inay hayaan.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khamiistii sheegay in baarayaal Mareykan ah ay joogaan Turkiga, ayaga oo isku dayaya inay go’aan ka gaaraan waxa ku dhacay Khashoggi.

- Advertisement -

“Qunsuliyadda ayuu galay, kamana soo bixin” ayuu Trump u sheegay barnaamijka Fox and Friends ee taleefishinka Fox News. “Uma muuqato in ninkaas uu hadda nool yahay” ayuu raaciyey.

Saraakiisha Turkiga ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in Khashoggi oo aad u dhaliili jiray dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohamed Bin Salman ay toddobaadkii tegay dileen koox ka kooban 15 nin oo Istanbul yimid, eedeymahaas oo Sacuudiga ay beeniyeen.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts