HomeCaalamkaCabdi Maxamuud Cumar oo Cafis dalbaday

Cabdi Maxamuud Cumar oo Cafis dalbaday

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Madaxweynihii hore ee Dawlad Deegaanka Soomaalida, Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa waxa uu ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ka codsaday inuu cafiyo isaga iyo dadka la eedaysan. Hadalkan ayuu ka sheegay Cabdi Maxamuud Cumar, maxkamad ku taalla magaalada Addis Ababa oo markii seddexad la horkeenay. Muddo 42 maalmood ah ayey xirnaayeen isaga iyo xubno maamulkiisa ka mid ahaa, […]

- Advertisement -

Madaxweynihii hore ee Dawlad Deegaanka Soomaalida, Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa waxa uu ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ka codsaday inuu cafiyo isaga iyo dadka la eedaysan.

Hadalkan ayuu ka sheegay Cabdi Maxamuud Cumar, maxkamad ku taalla magaalada Addis Ababa oo markii seddexad la horkeenay.

- Advertisement -

Muddo 42 maalmood ah ayey xirnaayeen isaga iyo xubno maamulkiisa ka mid ahaa, ayadoo ay dacwad oogeyaashu dalbadeen in loogu daro toban malamood oo kale oo dheeraad ah, si ay u soo dhamaystiraan eedaymaha ay ku soo oogayaan.

Hore waxaa u jiray in Cabdi Maxamuud iyo xubnaha la xiran ay ka cabanayeen in aan qorraxda la tusin, iyo in ehelkooda aan luqadda Amxaariga ku hadlin lagu khasbo in ay afka Amxaariga ku hadlaan.

Xaakimka maxkamadda ayaa si adag ula hadlay dacwad oogeyaashii ka socday xeer ilaalinta, “ma waxaad doonaysaan in sannad ay jiitanto arrintan.Hpore waxaan idiin siinnay fursadihii aad dalbateen in aad doonaysaan. Tobankan maalmood marka ay dhamaadaan waa in aad la timaadaan eedeymaha iyo caddaymaha dacwaddiinna” ayuu yiri xaakimku.

- Advertisement -

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa maxkamadda ka dalbaday in isaga iyo xubnaha la xiran “laga gaarsiiyo ra’iisul wasaaraha Itoobiyaha inuu cafis u fidiyo, maadaama uu wakhti is cafis lagu jiro”.
Hore ayuu Cabdi Maxamuud Cumar cafis uga dalbaday dadka deegaanka Soomaalida.

Latest stories