HomeCaalamkaMareykanka oo sheegtay duqeyn ka dhacday duleedka Koonfureed ee Muqdisho

Mareykanka oo sheegtay duqeyn ka dhacday duleedka Koonfureed ee Muqdisho

Date:

Related stories

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...
- Advertisement -

Ciidamada Kumaandooska Mareykanka iyo kuwa Soomaaliya oo iskaashanaya ayaa howlgal qorsheysan waxaa ay ka fuliyeen deegaano kuyaal dhanka Koonfureed ee magaalada Muqdisho.

War qoraal ah oo kooban kana soo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika jooga ee Africom ayaa lagu sheegay in howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen lagu dilay xubno ka tirsan Alshabaab,kuwaasi oo bartilmaameedkoodi ahaa.

- Advertisement -

“Howlgal dhanka cirka ah oo ciidamadeeno la kaashadeen ciidanka Soomaaliya ayaa lagu dilay 3 ka tirsan Alshabaab,gaar ahaan deegaan qayaas ahaantii 40 KM dhanka Koonfur Galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya”. Ayaa lagu yiri warsaxafadeedka Africom.

Sidoo kale taliska ciidamada Mareykan ee Africom ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab,ilaa ay ka tirtiraan alshabaabka jooga Soomaaliya iyo guudahaan gobolka,sidoo kale wuxuu talisku sheegay in hadafkooda uu qeyb ka yahay talaabooyin looga hortagayo qatartooda.

“Waxaan sii wadi doonaa howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab,anagoo isticmaalayna awoodeena iyo fasaxa aan haysano,waxaan kaashanaynaa AMISOM iyo ciidanka Soomaaliya,waxaan beegsan doonaan meelaha ay ku dhuumaalaysanayaan iyo xerooyinkooda tababarka ay ku qaataan,gudaha Soomaaliya iyo guud ahaan Gobolka,ilaa aan awoodooda wiiqno”. Ayuu siiraaciyay taliska Africom.

Latest stories