HomeWararSawirro:-Laba ka mid ah Golaha Wasiirada Soomaaliya oo kulan la qaatay...

Sawirro:-Laba ka mid ah Golaha Wasiirada Soomaaliya oo kulan la qaatay masuuliyiin ka socda hay’adda FAO

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Ujeedada kulankan ayaa ahayd siddii loo xoojin lahaa wada shaqeynta ka dhaxaysa hay’adda FAO, iyo Wasaaradaha Beeraha iyo Kaluumeysiga, waxaana goob joog ka ahaa Wasiirka Beeraha Saciid Xuseen Ciid ,iyo Wasiirka kaluumeysiga iyo Khayraadka Badda Mudane Cabdullahi Bidhaan Warsame, iyo masuulyiin kale oo ka tirsan Wasaradda Beeraha iyo Waraabka. Masuuliyiinta ayaa kulankooda diirada ku saaray […]

- Advertisement -

Ujeedada kulankan ayaa ahayd siddii loo xoojin lahaa wada shaqeynta ka dhaxaysa hay’adda FAO, iyo Wasaaradaha Beeraha iyo Kaluumeysiga, waxaana goob joog ka ahaa Wasiirka Beeraha Saciid Xuseen Ciid ,iyo Wasiirka kaluumeysiga iyo Khayraadka Badda Mudane Cabdullahi Bidhaan Warsame, iyo masuulyiin kale oo ka tirsan Wasaradda Beeraha iyo Waraabka.

Masuuliyiinta ayaa kulankooda diirada ku saaray sidii loo amba qaadi lahaa geedi socodka shaqo ee hay’ada FAO ay ka wada Soomaaliya, iyadoo la tashaneysa wasaaradaha xukuumada dhexe, si loo muujiyo hanaanka dowladnimo .

- Advertisement -

Wasiirada wasaaradaha Beeraha iyo Kaluumeysiga ayaa u mahadnaqay madaxdii ka socotay hay’adda FAO, kuwaas oo iyana dhankooda masuuliyiinta labada wasaaradood kaga mahadceliyey wada shaqeynta wanaagsan oo ay u muujiyeyn.

Markii uu kulanka soo dhamaaday kadib waxaa warbaahinta waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee laga hadlay u sharaxay Agaasimaha guud ee wasaaradda Beeraha iyo waraabka Maxamuud Maxamed Maxamuud, Wuxuuna sheegay ineey labada dhinac ka hadleen sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta iyo sidii loo hirgelin lahaa waxyaabaha u baahan in wax laga qabto.

Masuuliyiintan ka socota Hay’adda Qaramada midoobay u qaabilsan Cunada iyo Beeraha ee FAO ayaa sanad walba booqda xaruumaha wasaaradaha dowladda Soomaaliya si ay u sameeyaan xog uruurin ku saabsan waxyaabihii qabsoomay iyo caqabadaha jira ee u baahan in la xaliyo.

- Advertisement -

Latest stories