HomeCaalamkaAsmara: Go'aano ka soo baxay Shirkii ONLF iyo Itoobiya

Asmara: Go’aano ka soo baxay Shirkii ONLF iyo Itoobiya

Date:

Related stories

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea waxaa shalay ku qabsoomay wadahadal ay yeesheen xukuumadda Itoobiya iyo jabhadda ONLF, halkaas oo ay labada dhinac ku kala saxeexdeen heshiis is fahan ballana ay ku qaateen in ay sii wadaan wada xaajoodka. Caddaani Hirmooge oo ah afhayeenka ONLF ayaa wuxuu sheegay “heshiis iyo is-afgarasha kasta oo dhacda iney […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea waxaa shalay ku qabsoomay wadahadal ay yeesheen xukuumadda Itoobiya iyo jabhadda ONLF, halkaas oo ay labada dhinac ku kala saxeexdeen heshiis is fahan ballana ay ku qaateen in ay sii wadaan wada xaajoodka.

Caddaani Hirmooge oo ah afhayeenka ONLF ayaa wuxuu sheegay “heshiis iyo is-afgarasha kasta oo dhacda iney ururka ONLF uu amarnaba ka tanaasuleyn hadafki aaya ka talinta ee ay ONLF muddo u soo halgameysay”.

- Advertisement -

Wuxuuna intaa ku daray “in aaya ka talintu uu shacabku iska leeyahay waana xaq caalami ah oo qaanuuni ah, xeerarka Itoobiya iyo Kuwa caalamigaba wey qorayaan waana xuquuq caalami ah oo ay qowmiyad kasta leedahay oo markay rabto ay adeegsan karto marka xaqa aaya ka talinta weligii aan laga tanaasuleyn”.

Caddaani Hirmooge afhayeenka ururka ONLF wuxuu sheegay “Waxayaabaha Itoobiya ay u gudbyen ajanda ahaan oo ay ka wada hadli doonaan iney ka mid tahay aaya ka talinta oo ay wadahadalka ku jirto”.

Wadahadalka ballaadhan ee maalamaha soo socda billaambi doona qodobbada aan kaga wada hadli doonnana waxaa ka mid ah ayuu yiri:

- Advertisement -

1.In la isku soo horfadhiisto wadahadallo ay Itoobiya iyo ONLF ay daacad ka yihiin

2.In laga wada hadlo waxa ay dadka Soomaaliyeed tabanayeen oo ay u dagaallamayeen ayna ku diiddanaayeen Itoobiya oo ah iney aayahooda ks tashadaan

3.Dhibaatooyinka shacabkaasi la gaarsiiyey iyo magdhawga ay leeyihiin

4.Arrimaha ciidmada ee labada dhinac

5.Xuquuqda siyaasadeed iyo midda dhaqaale ee ay leeyihiin

6.Xuquuqda haybta (identity) ee ay leeyihiin iyo

7.Arrima badan oo ay ka mid yihiin amniga, xuquuqul insaanka iwm…

Sideey iskula jaanqaadayaan ONLF iyo Maamulka cusub ee deegaanka ka dhashay?
Mudane caddaani waxaa uu sheegay iney maamulka cusub ay si wanaagsan isula jaanqaadayaan wadahadallada ay yeesheenna ay si weyn isugu fahmeen.

Wuxuuna sheegay maamulka cusub ee deegaanka ka dhashay iney ka wadahadleen danta umadda soomaaliyeed ee deegaanka ay leedahayna ay isku sina u arkeen.

Wxayaabaha aan isla meel dhignayna waxaa ka mid ah ayuu yiri:

1.Xaqa ay Soomaalida ku dhax leeyihiin Itoobiya

2.Mideynta dadka Soomaaliyeed

3.Iskaashiga umadda Soomaaliyeed inuu daruuri yahay iyo

4.Waxa umadda Soomaaliyeed ka maqan oo aan isku si u aragnay.
Ururka ONLF iyo ururo kale oo hubaysan oo dawladda Itoobiya dagaal kula jiray laga saaray liiskii argagixisanimada ee muddada dheer ay ugu jireen xukuumadda Ethiopia.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts