HomeWararAkhriso:-Al-Shabaab oo weeraray degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose

Akhriso:-Al-Shabaab oo weeraray degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Waxaa faah faahino dheerad ah ay ka soo baxayaan weerar xalay xilli dambe dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen Xarun Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose Al-Shabaab ayaa weeraray fariisin ay Ciidamada Dowladda Soomaaliya ku leeyihiin Buundayarey ee degmada Afgooye,waxana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo […]

- Advertisement -

Waxaa faah faahino dheerad ah ay ka soo baxayaan weerar xalay xilli dambe dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen Xarun Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose

Al-Shabaab ayaa weeraray fariisin ay Ciidamada Dowladda Soomaaliya ku leeyihiin Buundayarey ee degmada Afgooye,waxana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

- Advertisement -

Dad ku sugan Afgooye ayaa waxa ay sheegeen in dagaalkaas uu geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac,iyaga oo xaqiijiyey dhimashada saddex ruux oo laba ka mid ah ay yihiin askarta dowladda iyo qof kale oo Shacab ah.

Dhinaca kale Saraakiisha xoogga dalka Soomaaliya ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegeen inay iska-difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabab.

Al-Shabaab ayaa ayaa waxa ay sheegeen in weerarka ay ku qaadeen degmada Afgooye ay ku dileen 5 askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda,isla markaana intii uu dagaalka socday ay la wareegeen inta badan degmada Afgooye.

- Advertisement -

Dadka ku nool Afgooye ayaa xalay waxaa soo wajahday cabsi xooggan oo ay ka qabaan in ay waxyeelo ka soo gaarto dagaalka mar walba ka dhaca degmada Afgooye oo Al-Shabaab ay soo weeraraan.

Wararka aan saakay heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in xaalada degmada ay tahay mid degan,isla markaana Goobihii lagu dagaalamay ay Ciidamada Dowladda Gacanta ku hayaan.

Latest stories