HomeWararSawirro:-Dibadbax soo dhaweyn ah oo lagu qabtay Garoonka Stadium Muqdisho

Sawirro:-Dibadbax soo dhaweyn ah oo lagu qabtay Garoonka Stadium Muqdisho

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Shacab aad u badan ayaa Maanta tegay  Garoonka Kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho, iyagoo sagootiyey Cutubyadii ugu dambeeyay Ciidamada AMISOM oo ka baxay garoonka. Shacabka ayaa ku damaashaaday qeybaha kala duwan ee garoonka oo Waayihii dambe ay gacanta ku hayeen Ciidanka Nabad galyada Midowga Afrika AMISOM oo shalay […]

- Advertisement -

Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Shacab aad u badan ayaa Maanta tegay  Garoonka Kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho, iyagoo sagootiyey Cutubyadii ugu dambeeyay Ciidamada AMISOM oo ka baxay garoonka.

Shacabka ayaa ku damaashaaday qeybaha kala duwan ee garoonka oo Waayihii dambe ay gacanta ku hayeen Ciidanka Nabad galyada Midowga Afrika AMISOM oo shalay ku wareejiyay Dowlada Soomaaliya.

- Advertisement -

Mas’uuliyiinta Maanta Garoonka tagtay ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Amar Dambe) Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Bahsiir Cabdi Maxamed iyo Saraakiil kale.

Qaar ka mid ah Shacabka oo la hadlay Warbaahinta ayaa muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin in garoonka Kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho ay ka baxaan ciidamada AMISOM, iyagoo sheegay in garoonkan uu aad u weyn yahay isla markaana looga faa’iideysan karo qeybaha kala duwan ee Ciyaaraha.

Wasiirka Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in Dowlada ay diyaar u tahay dayactirka iyo soo celinta bilicdii uu lahaa garoonkan

- Advertisement -

“Dowlada waxay diyaar u tahay dayactirkiisa, bilicdiisa iyo dhismahiisa, goordhow waa la howl bilaabayaa, kuligeen waan bishaareysaneynaa, Ciidanka Booliska Jamhuuriyada ayaa la wareegaya si loo sugo amnigiisa iyo Nadaafadiisa”.ayay yiri Khadiijo.

Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa kaga mahad celiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Saraakiisha Ciidamada AMISOM in garoonkan dib loogu wareejiyo Shacabka maadaama uu laf dhabar u yahay Ciyaaraha Dalka.

Latest stories