HomeWararCiidamada Dowladda oo Al-Shabaab kala wareegay deegaano ay maamulayeen

Ciidamada Dowladda oo Al-Shabaab kala wareegay deegaano ay maamulayeen

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ay la wareegeen deegaanka Dhanaane ee gobolkaas. Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya oo wata Gaadiidka dagaalka ayaa gudaha u galay deegaanka Dhanaane halkaas oo ay Gacanta ku hayeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab. Dadka deegaanka ayaa Dalsan […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ay la wareegeen deegaanka Dhanaane ee gobolkaas.

Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya oo wata Gaadiidka dagaalka ayaa gudaha u galay deegaanka Dhanaane halkaas oo ay Gacanta ku hayeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

- Advertisement -

Dadka deegaanka ayaa Dalsan waxa ay u sheegeen in Al-Shabaab ay deegaanka Dhanaane,isaga baxeen,isla markaana ay ka war heleen Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda oo gudaha deegaanka soo galay.

“Mudo daqiiqado ayay Ciidamadu rasaas ridayeen,mana jirin cid u jawaabtay laakin weli waa ay ku sugan yihiin waana millateri oo gaadiid farabadan wata ayuu yiri qof ka mid ah dadka ku nool deegaanka dhanaane oo diiday in Magaciisa iyo codkiisa loo adeegsado Qalabka Warbaahinta.

Wararka kale aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada la wareegay ay ka tageen Xero Ciidan oo ku taalla deegaanka Ceeldheere oo ka mid ah deegaanada xeebta ee Gobolka Shabellaha Hoose.

- Advertisement -

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa waxa ay ku waramayaan in ciidamada Dowladda ay deegaanka Dhanaane ka sii dhaqaaqeen,isla markaana ay aadeen dhanka deegaanada Jilib Marka iyo Gandarshe balse aysan ogeyn halka ay ku wajahan yihiin.

Saraakiisha ciidamada Dowladda iyo Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose weli wax faah faahin ah kaba bixin deeganada ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose oo ay Maanta ay Ciidamada Dowladda kala wareegeen Al-Shabaab.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts