HomeCaalamkaXil.Aadan Barre Ducaale oo u hanjabay qaadiga Muslimiinta Kenya

Xil.Aadan Barre Ducaale oo u hanjabay qaadiga Muslimiinta Kenya

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Weli waxaa Muslimiinta ku nool dalka Kenya ka dhex socota dood ku aadan in Munaasabada Ciida ay noqon doonto Maalinta Talaadada oo beri ah,doodaas oo la isku marinayo Baraha Bulshada. Madaxda Golaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya ahna Xildhibaanka lagas oo doortay bartamaha degmada Garissa Aadan Barre Ducaale ayaa waxa uu ku hanjabay in uu dacwad u […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Weli waxaa Muslimiinta ku nool dalka Kenya ka dhex socota dood ku aadan in Munaasabada Ciida ay noqon doonto Maalinta Talaadada oo beri ah,doodaas oo la isku marinayo Baraha Bulshada.

Madaxda Golaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya ahna Xildhibaanka lagas oo doortay bartamaha degmada Garissa Aadan Barre Ducaale ayaa waxa uu ku hanjabay in uu dacwad u gudbin doono Guddiga garsoorka taasi oo ku aadan in talaabo dhanka anshaxa ah laga qaado qaadiga muslimiinta Kenya Kadhi Sheikh Ahmad Muhdhar.

- Advertisement -

Hadalka ka soo baxay Aadan Barre Ducaalle ayaa daba socda kadib markii Qaadiga uu su’aal ka keenay hadalkii wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka kenya Fred Matiang’ oo sheegtay in Maalinta Talaadadha ah la fasaxay Dhammaan Shaqaalaha sababo la xiriira dabaal dega Muslimiinta.

Xildhibaanka Garissa ayaa tilmaamay in uusan qaadiga dhaleeceyn karin amarka wasaarada amniga,isaga oo ku eedeyay hadalka qaadiga mid kala qeybinaya Muslimiinta.

Hadalka ka soo baxay Aadan Barre Ducaale ayaa waxaa taageeray qaar ka mid ah Muslimiinta dalka Kenya,iyaga oo sheegay in ay muhiim tahay in in talaabo dhanka anshaxa ah laga qaado qaadi axmed.

- Advertisement -

Qaadi ahmed ayaa maalin ka hor ka soo horjeestay in muslimiinta kenya ay dabaal degaan maalinta talaadada waxaa uuna tibaaxay in ciida carafo ay tahay maalinta arbacada.

Si kastaba ha ahaatee muslimiinta kenya ayaa maanta waxay sooman yihiin maalinta sagaalaad waxaana la filayaa in maalinta bari ah ay ciidaan.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts