HomeCaalamkaMaxkamad hala soo taago Cabdi Maxamuud Cumar (Warbixin)

Maxkamad hala soo taago Cabdi Maxamuud Cumar (Warbixin)

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Dawladda Itoobiya waa in ay samaysaa baaritaan madax bannaan oo qoto dheer oo ay ku samaynayso tacadiyadii aadanaha iyo meel ka dhacyadii xeerarka dagaalka ee sannadaha badan ka socotay Dawlad Deegaanka Soomaalida Iyoobiya, ayaa lagu yiri warbixin ay maanta soo saartay hay’adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Human Rights Watch. Hay’addu waxay dalbatay in aan […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dawladda Itoobiya waa in ay samaysaa baaritaan madax bannaan oo qoto dheer oo ay ku samaynayso tacadiyadii aadanaha iyo meel ka dhacyadii xeerarka dagaalka ee sannadaha badan ka socotay Dawlad Deegaanka Soomaalida Iyoobiya, ayaa lagu yiri warbixin ay maanta soo saartay hay’adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Human Rights Watch.

Hay’addu waxay dalbatay in aan dadkii tacadiyadaas ka dambeeyay la isku qabanin ee mid mid loo kala qaado.

- Advertisement -

Waxay magacooda si gaar ah u xustay madaxweynihii hore ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar iyo Taliyaha ciidammada Liyuu Booliiska Cabdiraxmaan Cabdullaahi Buraale (Cabdiraxmaan Labo Go’le) iyadii dalbatay si khaas ah loo baaro doorkii ay ku lahaayeen waxa dhacay.

Lixdii bishan Agoosto ayay ahayd markii rabshado iyo boob uu ka dhacay magalaada Jigjiga, taas oo ay ku lug lahaayeen ciidammada Liyuu Booliiska iyo dhallinyaro taageersan madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar, ka dibna waxaa is casilay Madaxweynihii. Sida warbixinta ha’adda lagu sheegay. Maria Burnett oo ah madaxa Bariga iyo Geeska Afrika ee hay’adda Human Rights Watch ayaa sheegtay in dawladda Itoobiya looga fadhiyo in ay caddaalad u samayso tacaddiyadii darnaa deegaanka Soomaalida ka socday tobanka sano.

Ra’iisulwasaaraha cusubna waxay ugu baaqday in isbadallada uu wado uu ku daro in caddaaladu ay qabato kuwo awoodda badan ee gaystay dambiyada waawayn ee aadanaha ka dhanka ah.

- Advertisement -

Ma aha markii koobaad ee hay’addaha xuquuqda aadanuhu ay soo jeediyaan in Deegaanka Soomaalida Itoobiya ka dhaceen tacadiyo, dhawaan ayayna ahayd markii hay’adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Amnesty International ku baaqday in ciidammada Liyuu booliiska la kala diro taariikhda madaw ee xuquuqda aadanaha awgeed.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts