HomeWararAkhriso:-Golaha Wasiirada oo soo bandhigay qorshe lagu sugaayo amniga Caasimadda + Sawirro

Akhriso:-Golaha Wasiirada oo soo bandhigay qorshe lagu sugaayo amniga Caasimadda + Sawirro

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Fedraalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta shir-gudoomiyay shirka golaha Wasiirrada oo looga hadlay adkaynta amniga, ahmiyadda Shirkii caalamiga ahaa ee waxbarshashada sare iyo natiijadii kasoo baxday Shirkii Madasha iskaashiga Soomaaliyeed ee Brussels. Ugu horreyn wasiirka amniga gudaha xukuummadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islaaw (Ducaale) ayaa golaha u soo ban-dhigay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Fedraalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta shir-gudoomiyay shirka golaha Wasiirrada oo looga hadlay adkaynta amniga, ahmiyadda Shirkii caalamiga ahaa ee waxbarshashada sare iyo natiijadii kasoo baxday Shirkii Madasha iskaashiga Soomaaliyeed ee Brussels.

Ugu horreyn wasiirka amniga gudaha xukuummadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islaaw (Ducaale) ayaa golaha u soo ban-dhigay qaraar qeexaya in ciidamada ku howlan sugidda amniga caasimadda ay hoostagaan Booliiska, arrinkaan oo goluhu isla qaateen si loogu guuleesto hadafka guud ee ah in bulshadu ay hesho nabad-gelyad buuxda.

- Advertisement -

Goloha wasiirrada ayaa faray taliyaha Booliiska Soomaaliyeed in uu hawl geliyo Guutada ciidanka Booliska 14-ka Oktoobar si ay uga qayb qaataan sugidda amniga, iyada oo sidoo kale golohu uu wasaaradda maaliyadda ku war-geliyay in ay bixiso mushaarka iyo xuquuqda guutada 14-ka October.

Wasiirka arrimaha dibadda xukuummadda federaalka Soomaaliya ayaa golaha wasiirada usoo jeediyay in Cabdullaahi Maxamed Odawaa, Maxamed Axmednuur Tarsan iyo Cabdirisaaq Axmed Sh. Maxamed Shoolle ay u ogolaadaan in ay qaban karaan xil safiirro, arintaas golohu uu cod aqlabiyad leh ku ansixiyay.

Golaha ayaa sidoo kale ka hadlay muhiimmadda uu dalka u leeyahy shirka caalamiga ah ee waxbarashada sare ee lagu qabtay Muqdisho, kaas oo intii uu socday la iskula gartay in waddamada colaadaha ka soo kabanaya loo sameeyo urur jaamacadeed ay hormuud u tahay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa uga mahacdeliyay bahda waxbarashada Soomaaliyeed dadaalkii ay u galeen in ay dhisaan aqoonta bulshada xilligii burburka isaga oo qiray in ay usoo dul-qaateen xilli ay adkayd in lagu dhiirrado fulinta qorshayaal horumarineed oo bulshada lagu bad-baadinayo.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts