HomeWararCiidamo baaritaano ka wada garaashyo ku yaallo Muqdisho

Ciidamo baaritaano ka wada garaashyo ku yaallo Muqdisho

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya gaar ahaan kuwo miino baarka ayaa waxa ay baaritaano ka wadaan Garaashyo ku yaalla degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir. Baaritaanada  ayaa waxa ay ciidamadu ku sameynayaan Garaashyada Gawaarida lagu xareeyo,iyada oo looga shakiyey in ay ku jiraan Gawaari qaraxyo lagu diyaariyay. Shalay ayay ciidamadu bilaabeen baaritaanada,waxana haatan ay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya gaar ahaan kuwo miino baarka ayaa waxa ay baaritaano ka wadaan Garaashyo ku yaalla degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.

Baaritaanada  ayaa waxa ay ciidamadu ku sameynayaan Garaashyada Gawaarida lagu xareeyo,iyada oo looga shakiyey in ay ku jiraan Gawaari qaraxyo lagu diyaariyay.

- Advertisement -

Shalay ayay ciidamadu bilaabeen baaritaanada,waxana haatan ay wadaan Maalintii labaad,sida ay Dalsan u sheegeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliya.

Ilaa iyo hadda majirto Gawaari ay heleen,waxana Maalintii labaad ay ciidamadu wadaan baaritaanada Garaashyada ku yaalla degmada Xamar Jajab,waxaana Saraakiishu ay sheegeen in baaritaanada ay ka sameyn doonaan garaashyada ku yaalla dhammaan degmooyinka Gobolka Banaadir.

Baaritaanada Garaashyada ay Ciidamada Miina Baarka Booliska Soomaliya ku sameynayaan ayaa la sheegay in ay tahay mid looga hortagayo in ay weeraro kale ka dhacay Gudaha Magalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

- Advertisement -

Bishan Gudaheeda ayaa waxaa Magalada Muqdisho ka dhacay dhowr weerar oo ay ugu waa weynaayeen Weeradii Xarumaha Wasaaradaha Amniga iyo gudaha iyo kii ka dhacay agagaarka madaxtooyada oo ay ciidamadu ka hor tageen.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts