HomeMaqalDhageyso:-Diyaarado duqeeyey Saldhigyo ay lahaayeen Al-Shabaab

Dhageyso:-Diyaarado duqeeyey Saldhigyo ay lahaayeen Al-Shabaab

Date:

Related stories

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in diyaarado dagaal ay duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose. Laamaha amniga Jubbaland ayaa waxa ay sheegeen in diyaaradaha Mareykanka ee caawiya Soomaaliya ay duqeeyeen Saldhigyo Jubbada Hoose ku leeyihiin Al-Shabaab. Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga Jubbaland Maxamed Cabdi […]

- Advertisement -

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in diyaarado dagaal ay duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Laamaha amniga Jubbaland ayaa waxa ay sheegeen in diyaaradaha Mareykanka ee caawiya Soomaaliya ay duqeeyeen Saldhigyo Jubbada Hoose ku leeyihiin Al-Shabaab.

- Advertisement -

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga Jubbaland Maxamed Cabdi Kaliil oo la hadlay Dalsan ayaa waxa uu sheegay in saldhigyada la duqeeyey ay ka mid yihiin kuwo Al-Shabaab ku leeyihiin hareeraha Buundada Araare ee Gobolka Jubbbada Hoose.

Waxa uu sheegay in duqeyntaas ay barbar socdeen dagaalo dhinaca dhulka ah lagu qaaday,iyada oo laga jawaabayey dagaalkii shalay waaberigii hore Al-Shabaab ku qaadeen Saldhiga Baar Sanguuni.

Waxaan weeydiinay khasaaraha ka dhashay duqeyntaas,waxana uu sheegay in haatan ay wadaan baaritaano,isla markaana wixii ka soo baxa ay Warbaahinta la wadaagi doonaan.

- Advertisement -

Marka laga soo tago duqeynta diyaaradaha Mareykanka shalay gelinkii dambe ka geysteen deegaano ka tirsan Jubbada Hoose ayaa waxaa maanta degan xaalada Baar Sanguuni oo shalay weerar qaraxyo ku bilaawday ay ku qaadeen Al-Shabaab.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga Jubbaland.

Latest stories