HomeWararXisbiga haya talada Itoobiya oo u jawaabay Cabdi Maxamuud Cumar

Xisbiga haya talada Itoobiya oo u jawaabay Cabdi Maxamuud Cumar

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Kadib waraysi uu bixiyay madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar oo uu ku eedeeyay madixii hore ee sirdoonka Itoobiya Mr. Gatachew, ayaa waxa ay hadda jawaab ka timid xisbiga haya talada ee EPRDF. Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ayaa sheegay in dhibaatooyinka uu Gatachew ku hayay deegaanka ay uga dacwoodeen xisbiga. Haddaba BBC-da laanteeda […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Kadib waraysi uu bixiyay madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar oo uu ku eedeeyay madixii hore ee sirdoonka Itoobiya Mr. Gatachew, ayaa waxa ay hadda jawaab ka timid xisbiga haya talada ee EPRDF.

Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ayaa sheegay in dhibaatooyinka uu Gatachew ku hayay deegaanka ay uga dacwoodeen xisbiga.

- Advertisement -

Haddaba BBC-da laanteeda Afka Amxaariga ayaa waxaa waraysi siisay Gudoomiye ku xigeenka xisbiga TPLF ahna madaxa xafiiska Xaruunta dhexe ee EPRDF marwo Fetlawarqi G/Igzaaber, waxayna tiri.”Arrintan waxba kama ogi. Aniguna shaqsi ahaan wax uu ii sheegay ma jirto, mana ahaba inuu ii sheego. Cabashada noocan ah isaga oo sharciga iyo nidaamka raacayo xubnaha dowladda ee ay quseyso inuu u gudbiyo ayay ahayd. Sidaa darted arrintan waxba kama ogi. Arrimaha noocan ahna ma aha arrin guddiga fulinta loo soo bandhigo. Aniga waxba kama ogi arrintan”.

Sidoo kale waxaa nala hadlay Mr Saadaat oo ah madaxa arrimaha Isgaarsiinta ee Xafiiska Xaruunta Dhexe ee EPRDF, wuxuuna yiri “Warbixinta madaxweyne Cabdi waan dhageystay. Mudane Cabdi shirarka wax cabasha ah oo uu si rasmi ah uga jeediyey malaha arrintaa waxba kama ogin. Madaxda sare ee dowladda inuu cabashadiisa gaarsiiyey wey dhici kartaa. Ka xafiis ahaan laakiin arrintaa waxba kama ogin.”

Mustafa Cumar oo ah aqoonyahan u dhashay deegaanka, una dhaqdhaqaaqa xuquuqda dadka ayaa BBC-da sidoo kale uga waramay waxa ay isaga la tahay eedeynta kasoo baxday madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar, wuxuuna yiri “midda koobaad wuxuu doonayaa inuu xilka sii hayo uuna ka mid noqdo isbeddelka siyaasadeed ee cusub. Mr Getachew iyo shaqsiyaadka kale sirtooda oo aan bannaanka soo dhigo ‘kalsoonida la igu qabo ayaa badanaysa ayuu isleeyahay”, midda labaadna waxay tahay “Mr Getachew inuu Cabdi uu xilka ka qaado ayuu marar badan isku dayay, marka arrintan wuxuu u sameeyey waxaa dhici karta iney aarsi ka tahay.”

- Advertisement -

Mr Gatachew Asafe ayaa waxaa xilka ka qaaday Ra’isulwasaare Abiy Axmed, waxaana lagu badalay mas’uul kale.

Kama uusan jawaabin shaqsiyan eedeymaha uu madaxweynaha u jeediyay.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts