HomeCaalamkaSawirro:-Dood ku saabsan Dib-u-Eegista Dastuurka oo ka dhacday London

Sawirro:-Dood ku saabsan Dib-u-Eegista Dastuurka oo ka dhacday London

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS ayaa dood Aqoon-Isweydaarsi ah oo ku saabsan sidii loo heli lahaa Dastuur dhameystiran oo Soomaali leedahay la yeelatay qaar kamid Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Waqooyiga London ee dalka Ingiriiska. Doodda oo ay ka soo qaybgaleen waxgarad, culumaa’udiin, haweenka, dhallinyarada iyo oday dhaqameedyo ayaa waxaa lagu gorfeeyay sidii Jaaliyadda Soomaaliyeed […]

- Advertisement -

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS ayaa dood Aqoon-Isweydaarsi ah oo ku saabsan sidii loo heli lahaa Dastuur dhameystiran oo Soomaali leedahay la yeelatay qaar kamid Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Waqooyiga London ee dalka Ingiriiska.

Doodda oo ay ka soo qaybgaleen waxgarad, culumaa’udiin, haweenka, dhallinyarada iyo oday dhaqameedyo ayaa waxaa lagu gorfeeyay sidii Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool UK uga qaybqaadan lahaayeen dib-u-eegista Dastuurka.

- Advertisement -

Zahra Cali Xasan oo kamid ah La-taliyayaasha Sare ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS ayaa Jaaliyadda warbixin ka siisay horumarka ilaa iyo hada laga gaaray arrimaha dib-u-eegista Dastuurka iyo howlaha hortabinta leh bilooyinka soo socoda ee la qaban doono.

Ka qaybgalayaashii doodda oo ay kamid ahaayeen Consullar Harbi Farah iyo Siyaasi Cabdi Cumar oo mar soo qabtay xilka Guddoomiyaha Jaaliyadda UK ayaa soo jeediyeen in waqtiga dhow ay Wasaaradda iyo labada Guddi ee ku hawlan dib-u-eegista Dastuurka ay wada qabtaan shir shacabka Soomaaliyeed ugu soo bandhigayaan dib-u-eegista la sameeyay.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK ayaa waxay tallaabo horumar leh ku tilmaameen Shir-weynihii Qaran ee Daahfurka Dib-u-Eegista Dastuurka, iyagoo bogaadiyay wadashaqeynta wanaagsan ee ka dhaxeysa Wasaaradda iyo labada Guddi ee u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka

- Advertisement -

Dhanka kale, Jaaliyadda waxay tilmaameen in ay yihiin wakiilo u taagan in Wasaaradda iyo labada Guddi ay ku garab siiyaan howlaha dib-u-eegista Dastuurka.

Ugu dambayn, doodda ayaa ku soo dhamaatay in wafdi ka kooban Wasaaradda iyo Guddiyada Qaran ee ku howlan dib-u-eegista Dastuurka ay yimaadaan UK si kulan ballaaran oo wadatashi ah loo la yeesho Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool UK.

Latest stories