HomeCaalamkaHaweeney lagu eedeeyey in ay ka tirsan tahay Al-Shabaab oo Xabsi ku...

Haweeney lagu eedeeyey in ay ka tirsan tahay Al-Shabaab oo Xabsi ku dhex geeriyootay

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Wargeyska The Star ee ka soo baxa Kenya ayaa qoray in Haweeneydaasi oo lagu magacaabi jirey Maryan Cabuud ay ku geeriyootay Xabsiga dhexe ee magaalladda Mombasa. Marxuumadda oo iyada iyo 3 haween oo kale oo iyku xirnaa Xabsiga Shimo La Tewa  ee Mombasa. tan iyo sannadkii 2015-kii ayaa la sheegay inay bishii hore u geeriyootay […]

- Advertisement -

Wargeyska The Star ee ka soo baxa Kenya ayaa qoray in Haweeneydaasi oo lagu magacaabi jirey Maryan Cabuud ay ku geeriyootay Xabsiga dhexe ee magaalladda Mombasa.

Marxuumadda oo iyada iyo 3 haween oo kale oo iyku xirnaa Xabsiga Shimo La Tewa  ee Mombasa. tan iyo sannadkii 2015-kii ayaa la sheegay inay bishii hore u geeriyootay Cuddurka Kansarka, sida ay sheegeen Baarayaasha dalkaasi

- Advertisement -

Qoraal caafimaad oo loo gudbiyey Maxkamadda Mombasa ayaa lagu sheegay inay Marxuumadda u geeriyootay cuddurka Kansarka, balse ma

Dhinaca kale, Maxkamadda Mombasa waxay u yeertay Madaxa qeybta Boliska Mombasa ugu qaabilsan La-dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisadda, Charles Ogeto si wax looga weydiiyey  Dacwaadaha ka dhanka ah 4-ta Haween ee lagu eedeynayo inay ka tirsan yihiin Xraakadda Alshabaab, kuwaasi oo dacwadoodu socotay muddo 3 sanno ah.

Madaxa Garsoorayaasha Maxkamadda Mombasa, Evans Makori ayaa u yeeray Mas’uulkaasi, si uu Maxkamadda horteeda caddaymo uga bixiyo arrimo badan oo la xiriira Kiiska haweenka ku eedeysan inay ka tirsan yihiin Alshabab.

- Advertisement -

Madaxa Garsoorayaasha Maxkamadda Mombasa waxa uu sheegay inay jiraan waxyaabo badan oo cabsi-gelin ku ah sidiii ay Haweenkaasi u heli lahaayeen Maxkamad caadil ah.

3 ka mid ah Haweenkaas oo  lagu kala magacaabo Umul-kheyr Sadri, Khadiijo C/qaadir iyo Xaliima Aadan oo ay dacwadooda ka socotay Mombasa waxay beeniyeen Eedeymaha loo haysto, iyaoo lagu sii daayey Damiin Lacageed.

Wargeyska The Star waxa uu qoray in mid ka mid ah Eedeysanayaasha oo lagu magacaabo Xaliima Aadan ay Ciiddanka Boliska u gudbiyeen magaalladda Nairobi, inkastoo aan la shaacinin sababta loogu wareejiyey Nairobi.

Latest stories