HomeCaalamkaDowladda Sacuudiga oo xayiraadii ka qaaday Xoolaha Soomaaliya ee loo dhoofin jiray

Dowladda Sacuudiga oo xayiraadii ka qaaday Xoolaha Soomaaliya ee loo dhoofin jiray

Date:

Related stories

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya Mudane Sheikh Nuur Maxamed Xasan ayaa sheegay in dhoofinta xoolaha dalka ay meel wanaagsan marayaan, lana Qaaday Xayiraaddii saarneyd  Dhoofinta Xoolaha Soomaaliya ee Loo dhoofin Jiray Dalka Sucuudiga Taas Oo Lasaaray sanaddii 2016-kii. Dalka Sacuudiga oo ah dalka ugu badan oo Soomaaliya looga dhoofiyo Xoolaha Nool ayaa bishii […]

- Advertisement -

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya Mudane Sheikh Nuur Maxamed Xasan ayaa sheegay in dhoofinta xoolaha dalka ay meel wanaagsan marayaan, lana Qaaday Xayiraaddii saarneyd  Dhoofinta Xoolaha Soomaaliya ee Loo dhoofin Jiray Dalka Sucuudiga Taas Oo Lasaaray sanaddii 2016-kii.

Dalka Sacuudiga oo ah dalka ugu badan oo Soomaaliya looga dhoofiyo Xoolaha Nool ayaa bishii September ee sanadkii 2017-dii xayiraad saaray in loo dhoofiyo Xoolaha nool una  sababeeyay in Xoolaha Soomaaliya ay qabaan Xanuunka Rift Valley,balse Wasaaradda Xannaanadda Xoolaha ayaa xaqiijisay inaan xanuunkaasi aysan qabin Xoolaha Soomaaliya,sida uu Wasiirka sheegay.

- Advertisement -

Wuxuu sheegay Wasiirka Xannaanadda Xoolaha dhirta iyo Daaqa Xukuumadda Soomaaliya Mudane Sheikh Nuur Maxamed Xasan in 24-kii bishii Augosto ee sanadkii 2017kii shir ay la yeesheen Wasaaradda deegaanka,Biyaha iyo Beeraha dalka Sacuudiga ay ka soo baxeen qodobo muhiim u ah dalkeenna oo ay ugu muhiimsaneyd in Sacuudiga qireen badqabka iyo caafimaadka Xoolaha Soomaaliya.

Dalalka ugu badan ee Soomaaliya Xoolaha nool ay u dhoofiso waxaa ka mid ah dalka Masar,Cummaan oo xiriir wanaagsan ee dhanka dhoofinta kala dhaxeeyo Soomaaliya,Yemen iyo Sacuudiga oo ah dalka ugu badan ee Xoolaha looga dhoofiyo Soomaaliya sanadaha soo socda la kordhin doono.

Ugu danbeyntii,Wasiirka Xannaanada Xoolaha Soomaaliya wuxuu sheegay in la abuurayo  Suuq Cusub oo Ganacsiga Xoolaha Ah.

Latest stories