HomeCaalamka(SAWIRO): Maxbuus Soomaali oo xabsi ku yaalla Maraykanka ilkaha looga siibay oo...

(SAWIRO): Maxbuus Soomaali oo xabsi ku yaalla Maraykanka ilkaha looga siibay oo codsaday Magdhow Lacageed.

Date:

Related stories

UN Warns Famine Risk Looms for 6M Somalis

The United Nations has issued an urgent appeal for...

Government, Opposition Reach Election Consensus

Political talks underway in Mogadishu have made significant progress,...

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

C/weli C/qaadir Muuse oo lagu naanayso Burcad-baddeedkii Soomaaliga ee Dhoola-caddaynayey” kuna xiran dalka Maraykanka ayaa la sheegay inuu dacwad u gudbiyey Maxkamadda Federalka ee dalkaasi, isagoo cabasho ka ah Dhakhtarka Ilkaha iyo 2 ka mid ah Shaqaalaha Caafimaadka ee ka hawl-gala Xabsiga uu ku xiran yahay ee TERRE HAUTE ee Gobalka Indiana ee dalkaasi. C/weli […]

- Advertisement -

C/weli C/qaadir Muuse oo lagu naanayso Burcad-baddeedkii Soomaaliga ee Dhoola-caddaynayey” kuna xiran dalka Maraykanka ayaa la sheegay inuu dacwad u gudbiyey Maxkamadda Federalka ee dalkaasi, isagoo cabasho ka ah Dhakhtarka Ilkaha iyo 2 ka mid ah Shaqaalaha Caafimaadka ee ka hawl-gala Xabsiga uu ku xiran yahay ee TERRE HAUTE ee Gobalka Indiana ee dalkaasi.

C/weli C/qaadir Muuse waxa uu sheegay inuu Dentistahaasi ka bixiyey kala bar ilkihiisa, taasi oo kala dhantaashay Dhoola-caddeyntiisa.

- Advertisement -

Wargeyska DAILY BEAST ee ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa qoray inuu Maxbuuska sheegay inay Dentistaha Xabsiga uu kala dhantaalay Dhoola-caddayntiisa, kadib, markii ay ka bixiyeen ugu yaraan 13 ka mid ah 32-kiisa ilkood.

Sida laga soo xigtay Hay’adda u dooda Xuquuqda Rayidka, waxa uu  C/weli C/qaadir Muuse buuxiyey Fayl-dacwadeed uu ku codsanayo in la siiyo magdhow lacageed oo dhan 1.15 million oo Dollar oo ah Khasaarihii ka soo gaaray Dantistaha iyo ka mid ah Shaqaalaha Caafimaadka ee Xabsiga.

- Advertisement -

Waxa uu intaasi ku daray inay ku adag tahay inuu wax calaliyo, ruugo ama goosto noocyadda raashinka, isla markaana uusa u  dul qaadan Karin. Warbaahinta waxay soo bandhigeen nuqul ka mid ah Dacwadiisa iyo qoraalkii uu ku saxiixnaa.

Maxbuuska waxaa horey loogu xukumay  xabsi 33 sanno iyo 9 bilood doorkii uu ku lahaa  Afduubka Markabkii Xamuulka ee MV Maersk Alabama oo lagu qafaashay Xeebaha Somalia sannadkii 2009-kii

Dhinaca kale, Kiiska Maxbuuska C/weli C/qaadir Muuse ayaa soo jiitamaysay ilaa sannadkii 2009-kii, iyadoo xilligaasi uu sheegay inuu 16-jir yahay, balse, Baaritaan kadib waxay Xeer-beegtidu sheegeen inay da’diidsa ka sarreyso ugu yaraan 18-jir.

Qareenadda C/weli C/qaadir Muuse oo la xiriirtay Aabihiisa waxa uu xilligaasi u sheegay inuu Wiilkiisa 16-jir ahaa.

Si kastaba ha ahaatee,  C/weli C/qaadir Muuse oo dhowr jeer la diiday Rafcaankii uu ka qaatay Xukunkii lagu riday ayaan la ogeyn inuu ku guuleysan  doona dacwadiisa ku aadan in Madhowga Lacageed laga siiyo Ilkaha badan ee laga siibay,

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories