HomeCaalamkaSawirro:-MD Farmaajo oo faray Baarlamaanka in ay kaalintooda sharci ka qaataan hirgelinta...

Sawirro:-MD Farmaajo oo faray Baarlamaanka in ay kaalintooda sharci ka qaataan hirgelinta Hay’adda Qaran ee Naafada

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay xubno kamid ah dalladaha ururrada naafada kuwaas oo kaalin mug leh ka geystay u ololeynta xuquuqda dadka naafada ah. Madaxweynaha ayaa sheegay in hirgelinta Hindise Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Qaran ee Naafada oo ay dhawaan ansixiyeen Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya uu […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay xubno kamid ah dalladaha ururrada naafada kuwaas oo kaalin mug leh ka geystay u ololeynta xuquuqda dadka naafada ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in hirgelinta Hindise Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Qaran ee Naafada oo ay dhawaan ansixiyeen Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya uu xaqiijinayo qorsheyaasha lagu horumarinayo naafada Soomaaliyeed iyo xuquuqaha dastuuriga ah ee ay leeyihiin.

- Advertisement -

Madaxweynaha ayaa faray Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare in ay kaalintooda sharci ka qaataan hawshan, isagoona ku adkeeyey in ay dadaal badan geliyaan meel marintiisa.

Madaxweynaha ayaa yiri; “Waa waajib ina wada saaran dhammaanteen inaan dhaqaaleysanno dadkeenna naafada ah oo aan ka shaqeyno caafimaadkooda iyo waxbarashadooda, waana qeyb ka mid ah masuuliyadda gaarka ah ee ay noo wakiisheen shacabka Soomaaliyeed.”

“Waxaa xaqiiq ah in falalka gurrucan ee argagixisada Alshabaab ay ku dhibaateeyeen shacabka ay kordhisay tirada dadka Soomaaliyeed ee naafoobay. Waxaan ka shaqeynaynaa inaan gacanna ku ciribtirno argagixisada, gacanta kalena aan ku daryeelno dadkeenna ay naafeeyeen argagixisada Al Shabaab.”

- Advertisement -

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Wasaaradda Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada, dalladaha ay ku midaysanyihiin naafada iyo khubarada Soomaaliyeed ee ka soo shaqeeyey diyaarinta hindise sharciyeedkan, dadaalka ay ku bixinayaan sidii loo aasaasi lahaa hay’ad qaran oo ka shaqeysa horumarinta dadka naafada ah.

Xubnaha uu la kulmay Madaxweynaha ayaa waxaa hoggaaminayey Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Deeqo Yaasiin Xaaji, u qaabilsanaha Xafiiska Madaxweynaha ee Arrimaha Naafada Mudane Cabdirixmaan Faarax Luunge iyo xubno ka tirsan dalladaha naafada.

Latest stories