HomeCaalamkaMasar iyo Jabuuti oo ka wada hadlay Xaalladda Somalia iyo Ammaanka Badda...

Masar iyo Jabuuti oo ka wada hadlay Xaalladda Somalia iyo Ammaanka Badda Cas.

Date:

Related stories

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Wargeyska Maalinlaha ee Al-masri Alyoon ee ka soo baxa magaalladda Qaahira ayaa qoray in Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Masar, Samiix Shukri iyo dhigiisa dalka Jabuuti, Maxamuud  Cali Yuusuf ka wada arrinsadeen Xiriirka labadooda Waddan, Xaallaadaa Somalia iyo Yemen, Ammaanka Geeska Afrika, Gacan-biyoodka Baabul Mandab ee Gacanka Carabta iyo Biyo-xireenka Ethiopia ka dhistay Webiga Niil. Labada […]

- Advertisement -

Wargeyska Maalinlaha ee Al-masri Alyoon ee ka soo baxa magaalladda Qaahira ayaa qoray in Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Masar, Samiix Shukri iyo dhigiisa dalka Jabuuti, Maxamuud  Cali Yuusuf ka wada arrinsadeen Xiriirka labadooda Waddan, Xaallaadaa Somalia iyo Yemen, Ammaanka Geeska Afrika, Gacan-biyoodka Baabul Mandab ee Gacanka Carabta iyo Biyo-xireenka Ethiopia ka dhistay Webiga Niil.

Labada Wasiir waxay kulankooda ku yeesheen Caasimadda dalka Muratania ee Nawakshoot, halkaasi oo  ay ka qeyb galay Shirkii Golaha Fulinta ee Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee dalalka Qaaradda Afrika ugu gogol-xaarayeen Shir-madaxeedka Madaxda Afrika oo berrito ka furmi doona dalkaasi.

- Advertisement -

  

Afhayeenka Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Msaar, Axmed Abu Zayd ay aa sheegay inay Labada Wasiir isla eegeen sidii loo xoojin lahaa Iskaashiga labada waddan, gaar ahaan Ammaanka Badda Cas iyo sidii Dowladda Masar Deegaan Loojistiko oo xor ah looga siin lahaa Dekeddaha Jabuuti.

Xigasho: Al-Masry Al-Youm

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories