HomeCaalamkaQalbi Dhagax iyo Ra’iisul Wasaaraha itoobiya oo kulmay

Qalbi Dhagax iyo Ra’iisul Wasaaraha itoobiya oo kulmay

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Cabdi Kariin Muuse Qalbi Dhagax oo ka mid ah Saraakiisha Sar sare ee Jabhada ONLF oo dowladda Soomaaliya ay ku wareejisay Itoobiya ayaa Maanta oo Sabti ah waxa  uu la kulmay Ra’iisul Wasaaraha itoobiya Abiy Axmed. Qalbi-Dhagax oo maalin ka hor lagu siidaayey Cafis uu u fidiyey Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa ah markii ugu […]

- Advertisement -

Cabdi Kariin Muuse Qalbi Dhagax oo ka mid ah Saraakiisha Sar sare ee Jabhada ONLF oo dowladda Soomaaliya ay ku wareejisay Itoobiya ayaa Maanta oo Sabti ah waxa  uu la kulmay Ra’iisul Wasaaraha itoobiya Abiy Axmed.

Qalbi-Dhagax oo maalin ka hor lagu siidaayey Cafis uu u fidiyey Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa ah markii ugu horreysay ee  kulankooda,waxa uuna ahaa mid Abiy Axmed uu ku ogaanayey xaalada uu ku sugan yahay Qalbi-Dhagax.

- Advertisement -

Kulanka Cabdi Kariin Muuse Qalbi Dhagax iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo aan wax faah faahin dheeraad ah laga bixin ayaa waxa uu daba socdaa xilli Ururkii uu ka tirsanaa ee ONLF ay masuuliyiintooda ay sheegeen in weli uusan aheyn Qalbi-Dhagax mid aan xur ah.

Bishii Agaust Sanadkii tegay ee 2017 ayaa dowladda Soomaaliya waxa ay Cabdi Kariin Muuse Qalbi Dhagax ku wareejisay dowladda Itoobiya,waxana wareejintaas ka dhalatay xiisad Siyaasad oo mudo dhowr bil ah ka taagneyd dalka.

Dhinaca kale Baarlaamanka dalka Itoobiya ayaa Golaha Wasiirada dalkaas wax ay ka dalbadeen qaraar horay u soo ansixiyay Golaha, kaasoo ahaa in Liiska Argagixisada laga saaro Ururada OLF, ONLF iyo Ginbot 7 oo daagal kula jira dowladda Itoobiya.

Latest stories