HomeWararSawirro:-Shirka Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee DFS, D/Goboleedyada iyo G/Banaadir oo furmay

Sawirro:-Shirka Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee DFS, D/Goboleedyada iyo G/Banaadir oo furmay

Date:

Related stories

Muqdisho: Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay ‘Wadnaha’ Dhaqaalaha Badda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furay xarunta cusub ee Wasaaradda Dekedaha, isagoo ku dhawaaqay qorshe cusub oo lagu sugayo amniga badda iyo ilaalinta kheyraadka dabiiciga ah.

Dekedaha Iiraan iyo Cadaadiska Trump: Ma la gaaray xilligii xabbad joojin rasmi ah mise waa xeelad cusub?

Donald Trump oo go'aan layaab leh ka qaatay Iiraan: Xabbad-joojin la kordhiyay iyo xanibaado cusub oo lagu adkeeyay dekedaha.

NISA Confirms Airstrike in Guulane Kills Al-Shabaab Members

The first operation targeted a house where Al-Shabaab leaders and militiamen were stationed. At least 15 members were killed in the strike. The militants' base was also destroyed, which they had been using to organize militias and plan acts of destabilization.

Iiraan oo awooddeeda tustay caalamka xilli xabbad-joojin la hadal hayo.

Iiraan oo soo bandhigtay gantaal gaaraya 2,000 KM xilli la hadal hayo xabbad-joojin uu ku dhowaaqay Donald Trump.

Turkey Expands Its Role in Counterterrorism Operations in Somalia

"Türkiye will directly support the efforts of Somali forces against Al-Shabaab and ISIS," Fidan said, elaborating on plans to expand security cooperation and counterterrorism operations.

Shirka Madasha shanaad ee ay ku mideysanyihiin Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo looga doodi doono qodobo badan ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirka oo socon doona muddo labo maalin ah ayaa Wasaaradaha iyo Gobolka Banaadir ku soo bandhigi doonaan horumarka seddexdii bilood ee la soo dhaafay laga sameeyay arrimaha dib-u-eegista Dastuurka iyo howlaha hortabinta leh bilooyinka soo socoda ee la qaban doono.

Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee DFS Mudane Dr Xuseen Cabdi Cilmi oo furay shirka ayaa ka hadlay ujeeddada shirka.

“Waxaan marka hore Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir uga mahadcelinayaa sida wanaagsan ee ay Shirka Madasha uga soo qaybgaleen, shirkan shanaad ee madashan aan ku mideysannahay waxuu inoo leeyahay muhiimad gaar ah maadaama aan xog ku kala qaadaneyno si wadajir ahna aan uga heshiineyno waxa aan qaban doonno inaga oo si mideysan ugu soo guuleysanay qabashada Shir-weynihii Qaran ee Dastuurka” ayuu yiri Wasiir Ku-Xigeenka.

Ugu dambayn, shirkan ayaa la soo xiri doonaa beri waxaana Madasha ka soo bixi doona War-murtiyeed.

 

—–DHAMAAD—–

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories