HomeCaalamkaWadahadalo u bilaabanaya Jabhada ONLF iyo Itoobiya (Warbixin)

Wadahadalo u bilaabanaya Jabhada ONLF iyo Itoobiya (Warbixin)

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Iyada oo dowladaha Itoobiya iyo Eritrea ay bilaabeen wadahadalo toos ah oo miiska lasoo wada fariistay, wafuudna is dhaafsadeen, ayaa waxa ay u egtahay in isbadalada siyaasadeed ee Geeska Afrika ka dhacaya uu meelo badan saamaynayo. Muddo dheer dowladda Itoobiya waxa ay tan Eritrea ku eedeyneysay in ay taageerto jabhadaha la dagaalansan, sida ONLF oo […]

- Advertisement -

Iyada oo dowladaha Itoobiya iyo Eritrea ay bilaabeen wadahadalo toos ah oo miiska lasoo wada fariistay, wafuudna is dhaafsadeen, ayaa waxa ay u egtahay in isbadalada siyaasadeed ee Geeska Afrika ka dhacaya uu meelo badan saamaynayo.

Muddo dheer dowladda Itoobiya waxa ay tan Eritrea ku eedeyneysay in ay taageerto jabhadaha la dagaalansan, sida ONLF oo xarumo ku leh dalka Eritrea.

- Advertisement -

Balse wadahadalada labada dal kadib, waxaa dalka Eritrea ka furmaya shirweyne ay yeelanayaan xubnaha ONLF oo ah jabhad u dagaalanta madaxbanaanida gobolka Ogaden.

Afhayeenka jabhadda ONLF Cabduqaadir Xassan Xasan Caddaani Hirmooge oo Asmara ku sugan, shirkana ka qeybgalaya, wuxuu sheegay in shirkani uu yahay kii seddexaad, islamarkaasna uu ka mid yahay kuwii caadiga ahaa ee jadwalka ku jiray.

Afhayeenka ayaa dhanka kale yiri “Isbadalada waan soo dhaweyneynaa, balse waxaan weli dhawreynaa in ay noqdaan kuwa asaasi ah ee ay Itoobiya isku khilaafsantahay, anaga Soomaali ahaan aan Itoobiya ku khilaafsanahay, in isbadaladaas ay taabtaan baan aaminsanahay, diyaar baanu u nahay in aan wadahadal la galno”.

- Advertisement -

Sanadkan horaantiisa ayay wadahadalo yeesheen ONLF iyo dowladda Itoobiya oo uu markaas matalayay madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar.

Latest stories