HomeWararSawirro:-Duqa Muqdisho oo kormeeray goobo uu saameeyey roobkii ka da'Muqdisho

Sawirro:-Duqa Muqdisho oo kormeeray goobo uu saameeyey roobkii ka da’Muqdisho

Date:

Related stories

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

 kormeerkan uu  Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa magaalada muqdishi Eng. C/raxamaan Cumar Cismaan Yariisoow ku tagay Xarunta degmada Xamar weyne ayaa ahayd ukuurgalka saameynta daadadkii ka dhashey roobki mahiigaanka ahaa ee ka da’ay magalaada muqdisho oo ay buuxdhaafiyeen qeybo ka mid ah degmadaasi. Waxaa ku wehliyay kormeerkiisa guddoomiye kuxigeenka dhinaca amniga iyo Siyaasadda,guddoomiye kuxigeenka dhanka […]

- Advertisement -

Waxaa ku wehliyay kormeerkiisa guddoomiye kuxigeenka dhinaca amniga iyo Siyaasadda,guddoomiye kuxigeenka dhanka arrimaha bulshada iyo mas’uuliyiinta maamulka degmadaasi,iyagoo isla gartay in biyahaasi laga nadiifiyo goobaha ay fariisinka ka sameysteen maadaama ay xanibeen isu socodka dadka iyo gaadiidka.

Guddoomiyaha ayaa lagu soo wareejiyay xarunta degmada oo ay ka socdaan howlaha biyo nadiifinta,waxaana uu sidoo kale warbixin ka dhageystay maamulka degmada Xamarweyne oo muujiyay in ay jirto baahiyo loo qabo in biyahaasi laga nadiifiyo,kuwaasi oo saameyn ballaaran yeeshey.

- Advertisement -

C/raxmaan Cumar Cismaan Eng. yariisow Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahne Duqa Muqisho ayaa sheegay in daadadka  roobka ay geysteen qasaaro farabadan,isagoo intaasi ku daray in maamulka gobolka ay ka go,antahay sida ay uga qeyb qaadan lahaayeen samatabixinta dadkii biyuhu ay saameeyeen.

Dhinaca kale maamulka gobolka ayaa deeq raashin ah gaarsiyay degmada Boondheera taa oo loogu talagalay in lagu samata bixiyo dadka ay sameyta ku yeesheen roobabka,kuwaasoo guryohooda ay burburiyeen daadadki ka dhashey roobabkaasi.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in deeqdani o isugu jirta dawo iyo raashiin loogu talagalay in lagu kaabo nolosha dadka ay roobabku saameyeen,iyadoo guud ahaan caasimaddu ay ka soconayaan olole loogu gurmanayo dadka dhibaatooyinkaasi soo wajaha.

- Advertisement -

Latest stories