HomeCaalamkaIMF”Dowladda Soomaaliya waxay ku guuleystay in horumaro badan ay ku talaabsato”

IMF”Dowladda Soomaaliya waxay ku guuleystay in horumaro badan ay ku talaabsato”

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa ka dhacay kulan ay isugu yimaadeen wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo wasiirka Maaliyadad Soomaaliya iyo wafdka ka socoday Hay’adda lacagta Adduunka ee IMF,kulankaasi oo daba socday dadaalada dowladda Soomaaliya deymaha looga cafinayo,sida lagu sheegay qoraal ay soo saaraty IMFta. Labada dhinaca ayaa kawada hadlay horumarada […]

- Advertisement -

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa ka dhacay kulan ay isugu yimaadeen wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo wasiirka Maaliyadad Soomaaliya iyo wafdka ka socoday Hay’adda lacagta Adduunka ee IMF,kulankaasi oo daba socday dadaalada dowladda Soomaaliya deymaha looga cafinayo,sida lagu sheegay qoraal ay soo saaraty IMFta.

Labada dhinaca ayaa kawada hadlay horumarada dhinaca dhaqaalaha ah iyo isbedelada kajira Soomaaliya,iyo hirgelinta waxyaabihii horey looga heshiiyay ee ahaa shuruudaha keeni kara in Soomaaliya laga cafiyo deymaha islamarkanaa y hesho kaalmo caalami ah,taasi oo wasiirka Maaliyadad Soomaaliya uu horey uga dhawaajiyay in ay hayaan dadaalkeeda iyo in dalka laga cafiyo deymaha si lacago cusubna loo soo daaboco.

- Advertisement -

Waxaa sidoo kale kulanka qeyb ka ahaa Wasiirka Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda C/raxmaan Maxamed Cabdi Xaashi,guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale oo ka kala socday xafiisyada madaxtooyada iyo Xukuumadda.

Wafdiga ka socday hay’adda lacagta adduunka IMF oo uu hoggaaminayay Mohamad Elhage ayaa ku ammaanay dowladda Soomaaliya dadaalkeedi ku aadan buuxinta shuruudihii looga baahnaa ee nidaamka caalamiga ah,isagoo xusay in dowladdu ay ku guuleysato islamarkaana ay buuxisay qodobka sedaxaad ee xeerka u yaala IMF,si dowladdu ay u hesho wadiqooyin sahlaya deyn cafiska.

Waxaa ay sheegeen in Soomaaliya ay horumar ka gaartay horumarinta dhaqaalaha dalka,qaadista lacagaha canshuuraha ee gudaha,dhismaha hay’adaha,iyo qorshaha lagu doonayo in Soomaaliya ay ku soo daabacato lacag cusub oo dalka uu yeesho.

- Advertisement -

Hay’adda IMF ayaa sheegtay dadaal kasta lagu bixinayo sidii caalamka uu u taageeri lahaa qorshaha Soomaaliya ay ku doonayso in ay ku soo daabacato lacago cusub oo Shillin Soomaaliya ah,taasi oo qeyb ah shuruudaha lagu xirey dowladda islamarkaana guulo lataaban karo laga gaarey.

Latest stories