HomeCaalamkaSawirro:-Soomaaliya oo yeelaneysa xaruntii ugu horreysay ee is-weydaarsiga Internet-ka (IXP)

Sawirro:-Soomaaliya oo yeelaneysa xaruntii ugu horreysay ee is-weydaarsiga Internet-ka (IXP)

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada ayaa billowday dhismaha Xarunta Is-weydaarsiga Internet-ka (Internet Exchange Point) ee magaalada Muqdisho (MogIX), taas oo fududeyn doonta in shirkadaha bixiya adeegyada internetka ay isku xirmaan, isla markaana isku weydaarsadaan xogtooda. Nishal Goburdhan oo ah khabiir ku takhasusay dhismaha IXPs oo ka socda Hay’adda Packet Clearing House (PCH) oo dalal badan […]

- Advertisement -

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada ayaa billowday dhismaha Xarunta Is-weydaarsiga Internet-ka (Internet Exchange Point) ee magaalada Muqdisho (MogIX), taas oo fududeyn doonta in shirkadaha bixiya adeegyada internetka ay isku xirmaan, isla markaana isku weydaarsadaan xogtooda.

Nishal Goburdhan oo ah khabiir ku takhasusay dhismaha IXPs oo ka socda Hay’adda Packet Clearing House (PCH) oo dalal badan ka caawisa dhismaha xarumahan oo kale, ayaa sheegay in xaruntan ay sare u qaadi doonto adeegyada kala duwan ee u baahan internet, faa’iidooyinkeedana ay wada dareemi doonaan shirkadaha iyo dadweynahaba.

- Advertisement -

Wakiillo ka kala socda shirkadaha isgaarsiinta, internetka, dalladaha jaamacadaha, xirfadleyda teknoolojiyada, iyo dawladda, ayaa sheegay in ay baahi weyn u qabaan inay ku soo biiraan MogIX. Muddada uu socdo aqoon-is-weydaarsigan waxay wakiilladu ka doodi doonaan qaabka ugu wanaagsan ee xaruntan loo maamuli karo, iyagoo ugu dambeynta sameyn doona guddi ku-meel-gaar ah oo maamula xaruntan.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknoolojiyada, Mudane Eng. Cabdi Cashuur Xasan, oo furay aqoon-is-weydaarsigan, ayaa in dhismaha MogIX uu ka mid ah yahay qorshayaasha ay Wasaaraddu ku dhiseyso kaabayaasha isgaarsiinta dalka, isla markaana uu wax weyn ku soo kordhin doono isgaarsiinta iyo teknoolojiyada dalka. Wasiirka ayaa uga mahad celiyay Bankiga Adduunka iyo Hay’adda PCH gacanta ay Wasaaradda ku siinayaan dhismaha xaruntan.

“Wasaaraddu way awoodday in qalabkan lagu rakibo dhismaha Wasaaradda oo maamulkeeda aan 100% hayno, shirkadahana aan u sheegno inay ku soo xirmaan. Laakiin waxaan dooneynaa inay noqoto adeeg la wada leeyahay oo yaalla meel dhexdhexaad ah oo la wada horumariyo. Wada-tashi iyo kalsooni ayaan ku xaqiijinay waxyaabihii noo qabsoomay 12kii bilood ee la soo dhaafay, jidkaas ayaana ku sii soconeynaa,” ayuu yiri wasiirka oo intaasi ku daray in wasaaraddu soo dhoweyn doonto talooyinka ka soo bixi doona aqoon-is-weydaarsigan.

- Advertisement -

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada ayaa ku guuleysatay ansixinta sharciga isgaarsiinta, dhismaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo la-soo-wareegidda astaanta qaranka (dotSO). Dhismaha xaruntana wuxuu hordhac u yahay dhismaha kaabayaasha isgaarsiinta dalka oo u furan shirkadaha oo dhan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories