HomeCaalamkaKumanaan Boolis oo la dhigay Nairobi, xilli laga digay Weeraro ay Alshabaab...

Kumanaan Boolis oo la dhigay Nairobi, xilli laga digay Weeraro ay Alshabaab ka geystaan dalkaasi.

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Hay’addaha Ammaanka ee dalkaasi ayaa sheegay inay hayaan Warar dhinaca Sirdoonka oo muujinaya inay Xarakaadda Alshabaab qorsheynayaan inay weeraro ka fuliyaan gudaha Kenya, inta lagu guda-jiro  bishan barakaysan ee Ramaadaan. Afhayeenka Boliska dalkaasi, Charles Owino oo la hadlay Idaacadda Capital FM News  ee magaalladda Nairobi inay kordhiyeen Tirada Boliska ee la dhigayo goobaha Dadweynaha, si […]

- Advertisement -

Hay’addaha Ammaanka ee dalkaasi ayaa sheegay inay hayaan Warar dhinaca Sirdoonka oo muujinaya inay Xarakaadda Alshabaab qorsheynayaan inay weeraro ka fuliyaan gudaha Kenya, inta lagu guda-jiro  bishan barakaysan ee Ramaadaan.

Afhayeenka Boliska dalkaasi, Charles Owino oo la hadlay Idaacadda Capital FM News  ee magaalladda Nairobi inay kordhiyeen Tirada Boliska ee la dhigayo goobaha Dadweynaha, si loo hubiyo Ammaanka dadka Kenyaan-ka, waa sida uu hadalka u dhigay.

- Advertisement -

Afhayeenka Boliska dalkaasi, Charles Owino waxa uu carrabka ku dhuftay inay Dagaalamayaasha Alsshabaab weli Khatar weyn ku yihiin Ammaanka Kenya iyo dalalka Mandiqadda,  waa sida uu hadalka u dhigay,

Sidoo kale,  Xiriiriye Gobaleedka Nairobi, KANGETHE THUKULLAA ayaa sheegay inay in ka badan 2,000 Askari ka hawl-galaan Caasimadda dalkaasi ee Nairobi, kuwaasi oo ilaalin doona Ammaanka Waddooyinka, Hoteelada, Dhismayaasha Ganacsiga, goobaha ay Basaska joogsadaan iyo Xarumaha Waxbarashadda.

- Advertisement -

Waxa kale oo uu tilmaamay in la xiri doono dadka shisheeyaha ee aan wadanin Dukumentiyadda Qaxootinimadda iyo dadka waa weyn oo aan wadanin Aqoonsiga Kenyanka (ID Card) ama Kabanda.

Dhinaca kale, Hadal ka soo baxay Safaaradda Maraykanka ay ku leeyihiin dalka Kenya waxay ka digtay inay weeraro ka dhacaan magaalladda Nairobi, gaar ahaan Bosteejooyinka laga raaco Basaska Dadweynaha ee ka dhex shaqeeya Nairobi.

Si kastaba ha ahaatee,  Digniinta Hay’addaha Ammaanka Kenya iyo Safaaradda Mraayknaka waxay ku soo beegantay, iyadoo ay Dagaalamayaasha Alshabaab bishan 7-dii ku dileen 9 Askari oo Kenyan ah meel ku dhow Degmadda Dhoobley oo u dhow Xuduudka ay Somalia iyo Kenya wadaagaan.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories