HomeWararMandera oo lagu xukumay Haweeney Somali la sheegay inay sharci haysanin iyo...

Mandera oo lagu xukumay Haweeney Somali la sheegay inay sharci haysanin iyo inay ilmaheeda yar kaga tegtay meel Qashin-qub ah.

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Maxkamadda magaalladda Mandera ee W/bari Kenya waxay xukun ku riday Haweeney Somali ah oo lagu soo oogay inay si sharci-darro ah ku soo gashay dalkaasi. Haweeneydaasi oo lagu magacaabo Nuurto Xasan Khaliif ayaa  lagu ganaaxay lacag dhan 150,000 oo Shillinka Kenya ama loogu beddeli doono Xabsi 2 sanno ah. Nuurto Xasan Khaliif oo 21-jir ah […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maxkamadda magaalladda Mandera ee W/bari Kenya waxay xukun ku riday Haweeney Somali ah oo lagu soo oogay inay si sharci-darro ah ku soo gashay dalkaasi.

Haweeneydaasi oo lagu magacaabo Nuurto Xasan Khaliif ayaa  lagu ganaaxay lacag dhan 150,000 oo Shillinka Kenya ama loogu beddeli doono Xabsi 2 sanno ah.

- Advertisement -

Nuurto Xasan Khaliif oo 21-jir ah ayaa lagu qabtay Xaafadda Buula Jamhuuriya ee Mandera maalintii Talaadada ee la soo dhaafay, iyadoo aan wadanin Baasaboor ama Oggolaansho Dal-ku-joog ah.

Wargeyska Nation ee ka soo baxa magaalladda Nairobi ayaa qoray in Haweeneydaasi lagu helay  Dembi kale oo la xiriira inay cunug 3 maalmo jir ah oo ay dhashay kaga tegtay meel qashin-qubka iyadoo aysan dad la joogin.

Eedeysanaha, Nuurto Xasan Khaliif waxay qiratay inay sharci-darro ku joogtay Kenya, balse waxay beenisay inay cunugeeda kaga tegtay meel qashin-qub ah.

- Advertisement -

Garsooraha Maxkamadda Mandera, Petwr Areri ayaa sheegay in ay mar kale bishan 30-da dhegeysan doonaan Dacwada Haweeneydaasi oo beenisay Kiiska 2-aad ee lagu soo oogay.

Garsooraha waxa kale oo uu amray in marka ay dhamaysato Xukunkeeda in dib loogu celin doono Somalia.

Xigasho: Daily Nation

©Radio Dalsan

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts