HomeWararUganda oo sheegtay inuu qorshaha Ciiddanka Burundi looga saarayo Somalia dhabarjab ku...

Uganda oo sheegtay inuu qorshaha Ciiddanka Burundi looga saarayo Somalia dhabarjab ku noqonayo AMISOM.

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Taliyaha Ciiddanka Uganda ee xilka ka sii degayo, Jeneral Andrew Katumba Wamala ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareyi uu siiyey Idaacadda Kampala FM (KFM) waxa uu sheegay inayu aad uga walaacsan yihiin Qorshaha ay Dowladda Burundi ku doonayso inay la soo baxaan Ciiddankooda ku sugan Somalia ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM. Waxa uu intaasi ku […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Taliyaha Ciiddanka Uganda ee xilka ka sii degayo, Jeneral Andrew Katumba Wamala ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareyi uu siiyey Idaacadda Kampala FM (KFM) waxa uu sheegay inayu aad uga walaacsan yihiin Qorshaha ay Dowladda Burundi ku doonayso inay la soo baxaan Ciiddankooda ku sugan Somalia ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.

Waxa uu intaasi ku daray haddii ay Burundi la baxdo Ciiddankooda inay taasi dhabar-jab ku noqon karto Hawlgalka AMISOM iyo inay Culayska ku kordhin doonto Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.
Hadalka Jeneral Andrew Katumba Wamala waxa uu ku soo beegmay xilli ay Dowladda Burundi shaacisay inay bilaabayso qorshaha ay Ciiddankeeda kala baxayso Somalia sababo la xiriira iyadoo aan Ciiddankaasi wax mushaar ah la siinin muddo 12-bilood ah.
Midowga Europe oo iyagu bixiya Mushaaraadka Ciiddanka AMISOM waxay bishii March ee sannadkii hore joojiyeen Mushaaraadka la siiyo Ciiddanka Burundi ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM, kuwaasi oo tiradoodu dhan tahay 5,400 Askari.
EU-da waxay bil kasta Mushaarka Ciiddanka Burundi ee joogta Somalia siin jireen lacag dhan 5 million oo Euro, balse waxaa la joojiyey Lacagahaasi, kadib, markii mar 3-aad dib loo doortay Madaxweynaha dalkaasi, Pierre Nkurunziza.
Ilo Diplomaasi oo Reer Galbeed ayaa rumeysan inuu Madaxweynaha Burundi danaynayo inay Ciiddankiisa sii joogaan Somalia sababo la xiriira  macaashka Dhaqaale ee ka soo xeroonayo Mushaaraadka Askartaasi..
Askariga Burundi ee ka hawlgala dalkooda waxay mushaar ahaan u qaataan 100-Dollar bishiibam halka Askariga Burundi ee ka tirsan AMISOM bishiiba jeebkiisa ku dhacayso lacag dhan 800 Dollar oo saafi ah.

- Advertisement -


Dhinaca kale, Madaxa Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Ururka Midowga Afrika, Ismail Chergui ayaa booqasho ku jooga caasimadda dalka Burundi ee Bujunmbura, isagoo Madaxda dalkaasi ku qancin doono inaysan la bixin Ciiddankooda qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.
©Radio Dalsan

Latest stories

No posts to display