HomeCaalamka(SAWIRO): Ninkii ka dambeeyey Weerarkii Istanbul oo qirtay inuu fuliyey Toogashadaasi.

(SAWIRO): Ninkii ka dambeeyey Weerarkii Istanbul oo qirtay inuu fuliyey Toogashadaasi.

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Boliska Turkiga ayaa gacanta ku haya Ninkii hubeysnaa ee bilowgii bishan January weerarka ka geystay dhismo lagu caweeyo oo ku yaalla Istanbul oo uu ku dilay 39-qof oo ay Ajaaniib ku jirtay. Ninkaasi oo lagu magacaabo C/qaadir Masharipov waxaa xalay laga soo qabtay Dhismo ku yaalla Degmadda Esenyurt ee duleedka Galbeed magaalladda Istanbul, isla markaana […]

- Advertisement -

Boliska Turkiga ayaa gacanta ku haya Ninkii hubeysnaa ee bilowgii bishan January weerarka ka geystay dhismo lagu caweeyo oo ku yaalla Istanbul oo uu ku dilay 39-qof oo ay Ajaaniib ku jirtay.

Ninkaasi oo lagu magacaabo C/qaadir Masharipov waxaa xalay laga soo qabtay Dhismo ku yaalla Degmadda Esenyurt ee duleedka Galbeed magaalladda Istanbul, isla markaana ku-dhawaad 30-KM u jirta Dhismaha Caweyska ee toogashadda ka geystay oo lagu magacaabo The Reina nightclub.

- Advertisement -

Eedeysanaha oo ka soo jeeda dalka Usbakistan waxa uu  dhashay sannadkii 1983-kii, wuxuuna Tababar Milliteri ku soo qaatay dalka Afganistan.

Eedeysanaha oo ay Dembi-baarayaasha Boliska Turkiga su’aalo ku weydiiyeen Xarunta Boliska Istanbul ayaa qirtay inuu isagu yahay Shaqsigii toogtay dadkii u dabaal-degayey sannadka cusub.

Waxaa lala soo qabtay wiil yar oo uu dhalay, Nin u dhashay Iraq iyo saddex haween oo u kala dhashay Somalia, Masar iyo Senegal.

- Advertisement -

Guddoomiyaha Istanbul, Vasip Sahin ayaa sheegay in Hawlgalkaasi lagu soo qabtay 2 Bistoolad, SIM Cards-ka Mobaylada iyo lacag dhan 197,000 oo Dollar.

Guddoomiyaha Istanbal waxa uu tilmaamay in sawirka faraha laga qaaday Eedeysanaha la mid yihiin kuwii ay Dembi-baarayaasha ka qaadeen goobta ay Toogashadda ka dhacday bishan 1-dii.

“Waxay u muuqataa in C/qaadir Masharipov iyo kuwa kale ee lala qabtay u soo wareegeen Dhismaha ku yaalla Deegaanka Esenyurt saddex maalmood ka hor” ayuu yiri Guddoomiyaha Istanbul.

Waxa uu intaasi ku daray in 5 Cinwaano Guri lagu hayey dabagal, kuwaasi oo lagu qaaday Hawlgal, waxaana Eedeysanaha laga helay mid ka mid ah Dhismayaasha la hayey Cinwaankooda.

Eedeysanaha C/qaadir Masharipov waxa uu markii ugu horreysay kireysstay Dhismo ku yaalla Deegaanka Basaksehir ee duleedka magaalladda Istanbul, ka hor inta uusan daminin Cinwaanada hal maalin ama labo maalin ka hor weerarkii uu ka geystay Naadiga lagu caweeyo.

Baarayaasha Dembiyadda Turkiga waxay dib-u-eegis qaadatay 7,200 saacadood ku sameeyeen Muuqaalada ay duubeen Kamerooyinka Qarsoon, iyadoo ay Boliska heleen in ka badan 2,000 oo far-muuqis ku aadan Eedeysanaha sida xooggan loo raadinayey.

Dhinaca kale, Ku-xigeenka Ra’isul-wasaaraha Turkiga, ahna Afhayeenka Dowladda, Numcaan Kurtulmus ayaa u hambalyeeyey Boliska gacanta ku soo dhigay Eedeysanaha geystay weerarka.

Caddaymo xooggan ayaa sheegayo inuu Eedeysanaha si sharci-darro ah Turkiga kaga soo galay Xuduudaha Bariga bishii January ee dannadkii hore, waxaana iska cad inuu weerarkaasi u geystay isagoo ka amar qaadanayey Kooxda Daacish.

©Radio Dalsan

Latest stories