HomeCaalamkaWarbixin: Ku-dhawaad 180 Tahriibayaal ka soo jeeda Bariga Afrika oo ku haftay...

Warbixin: Ku-dhawaad 180 Tahriibayaal ka soo jeeda Bariga Afrika oo ku haftay dooni ku degtay Xeebaha Liibiya.

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

4 qof ayaa geeriyootay, ku-dhawaad 180-kalena waa la la’ yahay, kuwaasi oo lagu tirinayo inay dhinteen, kadib, markii dooni Jimcihii ka soo shiraacatay Xeebaha Libya ku degtay Badda Mediterranean-ka. 2-qof oo Ethiopian iyo 2-Eritrean ayaa ka badbaaday Doonidaasi, kuwaasi oo xalay gaaray Dekedda Degmadda Trapani ee Jesiiradda Sicilian ee dalka Talyaaniga. Dadkaasi badbaaday oo kala […]

- Advertisement -

4 qof ayaa geeriyootay, ku-dhawaad 180-kalena waa la la’ yahay, kuwaasi oo lagu tirinayo inay dhinteen, kadib, markii dooni Jimcihii ka soo shiraacatay Xeebaha Libya ku degtay Badda Mediterranean-ka.

2-qof oo Ethiopian iyo 2-Eritrean ayaa ka badbaaday Doonidaasi, kuwaasi oo xalay gaaray Dekedda Degmadda Trapani ee Jesiiradda Sicilian ee dalka Talyaaniga.

- Advertisement -

Dadkaasi badbaaday oo kala ah 3 nin iyo haween ayaa u muuqday kuwo daalan oo dhibaataysan, waxayna ka sheekeeyeen Saxariirkii ay la soo kulmeen.

Waxay tilmaameen inay dooni ka samaysan alwaax oo ay la socdeen in ka badan 180-qof habeenkii Jimcihii ka soo raaceen Xeebaha Libya, iyadoo dhamaan dadkaasi ka soo jeedaan dalalka Bariga Afrika.

Waxay sheegeen markii ay 5 saacadood Badda ku jireen inuu qaribmay Matoorkii, isla markaana ay Doonidii bilowday inay quusto.

- Advertisement -

Dadkii la socday Doonida waxay ku wada hoobteen Badda, waxaana ka badbaaday 4 qof oo ay Kooxaha Gurmadka ka soo badbaadiyeen meel 30 nautical miles u jirta Xeebaha Libya.

Sidoo kale waxaa la soo badbaadiyey Markab ay leeyihiin Ilaaladda Xeebaha ee dalka Norway ayaa soo qaaday Afarta badbaaday, maydadka 4 qof iyo 34 qof oo kale oo laga soo badbaadiyey dooni kale oo degtay.

Dhamaantooda waxay xalay gaareen Dekedda Trapani ee dalka Talyaaniga.

Dhinaca kale, tan iyo bishan January 1-dii waxaa Xeebaha Talyaaniga gaaray  ku-dhawaad 2,300 Tahriibayaal oo ka soo kala jeeda Bariga iyo Galbeedka Afrika.

©Radio Dalsan

 

 

Latest stories