HomeCaalamkaWarbixin: Ku-dhawaad 180 Tahriibayaal ka soo jeeda Bariga Afrika oo ku haftay...

Warbixin: Ku-dhawaad 180 Tahriibayaal ka soo jeeda Bariga Afrika oo ku haftay dooni ku degtay Xeebaha Liibiya.

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

4 qof ayaa geeriyootay, ku-dhawaad 180-kalena waa la la’ yahay, kuwaasi oo lagu tirinayo inay dhinteen, kadib, markii dooni Jimcihii ka soo shiraacatay Xeebaha Libya ku degtay Badda Mediterranean-ka. 2-qof oo Ethiopian iyo 2-Eritrean ayaa ka badbaaday Doonidaasi, kuwaasi oo xalay gaaray Dekedda Degmadda Trapani ee Jesiiradda Sicilian ee dalka Talyaaniga. Dadkaasi badbaaday oo kala […]

- Advertisement -
- Advertisement -

4 qof ayaa geeriyootay, ku-dhawaad 180-kalena waa la la’ yahay, kuwaasi oo lagu tirinayo inay dhinteen, kadib, markii dooni Jimcihii ka soo shiraacatay Xeebaha Libya ku degtay Badda Mediterranean-ka.

2-qof oo Ethiopian iyo 2-Eritrean ayaa ka badbaaday Doonidaasi, kuwaasi oo xalay gaaray Dekedda Degmadda Trapani ee Jesiiradda Sicilian ee dalka Talyaaniga.

- Advertisement -

Dadkaasi badbaaday oo kala ah 3 nin iyo haween ayaa u muuqday kuwo daalan oo dhibaataysan, waxayna ka sheekeeyeen Saxariirkii ay la soo kulmeen.

Waxay tilmaameen inay dooni ka samaysan alwaax oo ay la socdeen in ka badan 180-qof habeenkii Jimcihii ka soo raaceen Xeebaha Libya, iyadoo dhamaan dadkaasi ka soo jeedaan dalalka Bariga Afrika.

Waxay sheegeen markii ay 5 saacadood Badda ku jireen inuu qaribmay Matoorkii, isla markaana ay Doonidii bilowday inay quusto.

- Advertisement -

Dadkii la socday Doonida waxay ku wada hoobteen Badda, waxaana ka badbaaday 4 qof oo ay Kooxaha Gurmadka ka soo badbaadiyeen meel 30 nautical miles u jirta Xeebaha Libya.

Sidoo kale waxaa la soo badbaadiyey Markab ay leeyihiin Ilaaladda Xeebaha ee dalka Norway ayaa soo qaaday Afarta badbaaday, maydadka 4 qof iyo 34 qof oo kale oo laga soo badbaadiyey dooni kale oo degtay.

Dhamaantooda waxay xalay gaareen Dekedda Trapani ee dalka Talyaaniga.

Dhinaca kale, tan iyo bishan January 1-dii waxaa Xeebaha Talyaaniga gaaray  ku-dhawaad 2,300 Tahriibayaal oo ka soo kala jeeda Bariga iyo Galbeedka Afrika.

©Radio Dalsan

 

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts