HomeWararXildhibaan Somali-Canadian loo magacaabay Wasiirka Socdaalka, Qaxootiga iyo Muwaadinnimadda ee dalkaasi.

Xildhibaan Somali-Canadian loo magacaabay Wasiirka Socdaalka, Qaxootiga iyo Muwaadinnimadda ee dalkaasi.

Date:

Related stories

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Xildhibaan Axmed Xuseen oo ah Somali-Canadian laga soo doorto magaalladda Toronto ee Gobalka Ontario ee dalka Kanada ayaa loo magacaabay Wasiirka cusub ee Wasiirka Socdaalka, Qaxootiga iyo Muwaadinnimadda ee dalka Canada . Wasiirka waxa kale oo uu ahaa Guddoomiyaha Canadian-Somali Congress oo ah Urur ay leeyihiin Jaalliyadda Soomaalida ku nool dalkaasi. Ra’isul-wasaaraha dalka Canada, Justin […]

- Advertisement -

Xildhibaan Axmed Xuseen oo ah Somali-Canadian laga soo doorto magaalladda Toronto ee Gobalka Ontario ee dalka Kanada ayaa loo magacaabay Wasiirka cusub ee Wasiirka Socdaalka, Qaxootiga iyo Muwaadinnimadda ee dalka Canada .

Wasiirka waxa kale oo uu ahaa Guddoomiyaha Canadian-Somali Congress oo ah Urur ay leeyihiin Jaalliyadda Soomaalida ku nool dalkaasi.

- Advertisement -

Ra’isul-wasaaraha dalka Canada, Justin Trudeau ayaa ku dhawaaqay inuu Xildhibaan Axmed Xuseen yahay Wasiirka Cusub ee Socdaalka.

Waxa uu xilkaasi kala wareegay Wasiirkii hore ee Socdaalka, John McCallum.

Wasiirka Socdaalka, Qaxootiga iyo Muwaadinnimadda ee dalka Canada. Ahmed  Hussien waxa uu ku dhashay, kuna soo barbaaray Somalia, wuxuuna dalka Canada tegay isagoo 16-jir ah sannadkii 1993-kii, waxaana uu degay magaalladda Toronto.

- Advertisement -

Ahmed Hussien waxa uu Shahaadda Bachelor of Arts degree in History (B.A) ee Cilmiga Taariikhda ka qaatay Jaamacadda York University, wuxuuna kaloo Shahaadda Sharciga ee  (Law degree) ka qaatay Jaamacadda the University of Ottawa.

Wasiirka cusub ee Socdaalka, Qaxootiga iyo Muwaadinnimadda ee dalka Canada waxa uu ku hadli karaa Luqadaha Somali, English iyo Kswahili.

©Radio Dalsan

Latest stories