HomeWararShaqaalaha Soomaalida ee loo qaadayo Sacuudiga oo la sheegay inay hoos u...

Shaqaalaha Soomaalida ee loo qaadayo Sacuudiga oo la sheegay inay hoos u dhigi doonto baahida shaqaalaha ka shaqeeya Guryaha.

Date:

Related stories

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Xafiisyadda Adeegga ee Rugta Ganacsiga ee magaalladda Jeddah ee Sacuudiga ayaa sheegtay in Shaqaalaha laga soo qoranayo dalalka Somalia, Ethiopia, Gini iyo Chad   hoos u dhigi doonaan Baahida Shaqaalaha ka shaqeeya Guryaha. Wargeyska Alyoom ee ka soo baxa Sacuudiga ayaa ka soo xigtay Madaxda Rugta Ganacsiga ee Jeddah in hoos-u-dhacaasi la dareemi doono afarta bilood […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Xafiisyadda Adeegga ee Rugta Ganacsiga ee magaalladda Jeddah ee Sacuudiga ayaa sheegtay in Shaqaalaha laga soo qoranayo dalalka Somalia, Ethiopia, Gini iyo Chad   hoos u dhigi doonaan Baahida Shaqaalaha ka shaqeeya Guryaha.

Wargeyska Alyoom ee ka soo baxa Sacuudiga ayaa ka soo xigtay Madaxda Rugta Ganacsiga ee Jeddah in hoos-u-dhacaasi la dareemi doono afarta bilood ee ugu horreysa sannadkan cusub ee 2017-ka, isla markaana ay hoos u dhigi doonto dhowrkii Nidaam ee ay Xafiisyadda Shaqaalaha qorta iyoMuwaadiniinta Sacuudiga ee Shaqaale-doonka u dhaqmi jireen.

- Advertisement -

Arrintan ayaa timid, kadib, markii ay Madaxda Xafiisyadda Shaqaalaha qorta kulan ku yeeshay Dhismaha Qadiir oo ay ku yaalla Xarunta Dhexe ee Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Jeddah, Mubaarak Al-siraaji..

Madaxa Guddiga Keenista Shaqaalaha, Yaxye Al-maqbuul ayaa sheegay in qorshaha ay qaaday Wasaaradda Shaqada  iyo Horumarinta Bulshadda ee Sacuudiga maamihii la soo dhaafay ee lagu furay in Shaqaale laga soo qorto Somalia, Ethiopia, Gini iyo Chad ballan-qaadayo in hoos loo dhigo qiimaha Shaqaalaha la soo qoranayo.

Waxa uu cabasho ka muujiyey  qaar ka mid ah Sharciyadda  dhawaan la soo saaray ee eedeymaha la xiriira in Qiimaha Shaqaalaha sarreeyo.

- Advertisement -

Dhinaca kale, waxa uu tilmaamay inay Kulankooda kaga wada hadleen Nidaamka cusub ee Shaqaale qorista ee Xafiuisyadda Wasaaradda Shaqada iyo horumarinta Bulshadda iyo Ganaax la soo rogay iyo haddii shaqaalaha guryaha lagu keeni karo magaca Xafiiskooda iyo inay buuxiyaan cabasho ay gudbin doonaan Xoghayhnta Rugta Ganacsiga ee Wasaaradda Shaqada ku leedahay magaalladda Jeddah.

©Radio Dalsan

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts