HomeWarar(SAWIRO): Turkiga oo soo bandhigay Muuqaalka Ninkii geystay Weerarkii Istanbuul.

(SAWIRO): Turkiga oo soo bandhigay Muuqaalka Ninkii geystay Weerarkii Istanbuul.

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Xilli ay socdaan baadigoobka Ninkaasi ayey Boliska Turkiga waxay baahiyeen sawir-gacmeedka ninka lagu tuhunsan yahay inuu ka dambeeyey Weerarkii dhimashada dhaliyey ee bishan 1-dii ka dhacay Dhismo lagu caweeyo “The Reina nightclub” oo ku yaalla magaalladda Istanbuul. Wakaalladda Wararka ee Anadolu ayaasheegtay inay Sawiradaasi ay qaadeen Kamerooyinka Qarsoon ee Ammaanka “A closed-circuit television camera (CCTV camera) (CCTV)” , […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Xilli ay socdaan baadigoobka Ninkaasi ayey Boliska Turkiga waxay baahiyeen sawir-gacmeedka ninka lagu tuhunsan yahay inuu ka dambeeyey Weerarkii dhimashada dhaliyey ee bishan 1-dii ka dhacay Dhismo lagu caweeyo “The Reina nightclub” oo ku yaalla magaalladda Istanbuul.

Wakaalladda Wararka ee Anadolu ayaasheegtay inay Sawiradaasi ay qaadeen Kamerooyinka Qarsoon ee Ammaanka “A closed-circuit television camera (CCTV camera) (CCTV)” , inkastoo uusan Muuqaalkaasi lahayn Taariikhda xilligii la qaaday.

- Advertisement -

Warbaahinta Turkishka ee Haberturk ayaa baahisay muuqaalka Sawirka waxa ay ku sheegtay inuu ahaa Ninkii geystay Weerarkaasi.

Muuqaalkaasi Video-ga ayaa la sheegay inuu ahaa Ninka weerarka geystay oo Muuqaalkaasi isaga soo duubay agagaarka Fagaaraha Taksim Square ee magaalladda Istanbuul.

Maamulayaasha dalkaasi ayaan ogeyn xilliga ama sababta loo duubay Muuqaalkaasi.

- Advertisement -

Mar sii horreysay, Boliska waxay xireen 8 qof oo lagu tuhunsan yahay inay xiriir la leeyihiin Weerarkaasi.

Waxay kaloo Boliska saqdii dhexe ee xalay u dhaceen guri lala xiriirinayo Weerarkaasi oo ku yaalla Degmadda Zeytinburnu ee magaalladda Istanbuul.

Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka ka dhacay Dhismaha lagu caweeyo ee “The Reina nightclub” ee Deegaanka shacbiyadda badan ee Besiktas ee magaalladda Istanbuul, halkaasi oo lagu dilay 39 qof oo badankooda ahaa Dalxiisayaal Shisheeye, waxaana lagu dhaawacay 69-kale.

Dadka lagu dilay Toogashadaasi waxaa ka mid ahaa 3 Hindi ah, 3 Lubnaani, 2 u dhalatay Urdun, Lammane asalkooda Tunisian ahaa, inkastoo ay Xaaska wadatay Labada Dhalasho ee French-Tunisian, Nin Sacuudiyaan iyo Haweeney Yuhuudi ahayd.

©Radio Dalsan

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts