HomeWararMidowga Europe iyo Ururka Jaamacadda Carabta oo ku baaqay Dhismaha Ciiddanka Somalia.

Midowga Europe iyo Ururka Jaamacadda Carabta oo ku baaqay Dhismaha Ciiddanka Somalia.

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Dowladaha ku bahoobay EU-da iyo dhigooda dalalka Carabta waxay shalay Kulan Wadajir ah ku yeesheen Xarunta Dhexe ee Ururka Jamaacadda Carabta “The League of Arab States” (LAS) oo ku taalla caasimadda dalka Masar ee Qaahira. Wasiiradda waxay ka wada hadleen Xiriirka Labada Dhinac, Siyaasadda, Dhaqaalaha, Ammaanka, gaar ahaan La-dagaalanka Argagixisadda, Ka-hortagga […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Dowladaha ku bahoobay EU-da iyo dhigooda dalalka Carabta waxay shalay Kulan Wadajir ah ku yeesheen Xarunta Dhexe ee Ururka Jamaacadda Carabta “The League of Arab States” (LAS) oo ku taalla caasimadda dalka Masar ee Qaahira.

Wasiiradda waxay ka wada hadleen Xiriirka Labada Dhinac, Siyaasadda, Dhaqaalaha, Ammaanka, gaar ahaan La-dagaalanka Argagixisadda, Ka-hortagga Xag-jirnimadad iyo Tahriibka iyo Xiisadaha ka aloosan dalal ay ka mid yihiin Somalia, Yemen, Libya iyo Iraq.

- Advertisement -

Wasiiradda waxay si gaar ah uga wada hadleen Arriumaha dalka Somalia, waxay soo dhaweeyeen Nidaamka Doorashadda, kuna tilmaameen tallaabo muhiim oo ay Somalia horey u qaaday.

Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Dowladaha EU-da iyo kuwa dalalka Carabta waxay hoosta ka xariiqeen in loo baahan yahay inay Dowladda cusub ee la dhisayo iska kaashadaan Maamul-gobaleedyadda sidii muhiimad gaar ah loo siin lahaa Qorshaha Ammaanka Qaranka ee Ciiddan u gaar ah Somalia, iyadoo asaas looga dhigayo Siyaasadda Amniga Qaranka (The National Security Policy) iyo in laga tusaale qaato Aragtida AMISOM ee Istaraatijiyadda bixitaanka AMISOM ee sannadka 2018-ka.

Dhinaca kale, Bayaanka Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Midowga Europe iyo kuwa Jaamacadda Carabta waxay kaloo ku baaqeen in Somalia laga taageero Isbedelka Dhaqaale iyo xiriirka Hay’addaha Maaliyadda ee Caalamiga, gaar ahaan Hay’adda Lacagaha Adduunka ee IMF.

- Advertisement -

Ugu dambeyntii, Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Midowga Europe iyo kuwa Jaamacadda Carabta waxay ku taliyeen in Wax-soo-saarka Somalia lagu iibiyo Suuqayadda gudaha si ay gacan uga geysato dib u soo celinta  Dhaqaalaha Somalia.

©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts