HomeWararKenya oo dib-u-eegis ku bilwoday Liiska Qaxootiga Soomaalida ku jira Xeradda Dhadhaab.

Kenya oo dib-u-eegis ku bilwoday Liiska Qaxootiga Soomaalida ku jira Xeradda Dhadhaab.

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya, Joseph Nkaissery ayaa amar ku bixiyey in dib loo baaro Liiskaasi, si looga saaro dadka aan sida sharciga ahayn isugu diiwaan geliyey inay yihiin Kenyan iyo dhinaca kale, dadka Kenyanka ee isku diiwaan geliyey Qaxooti ahaan. Hadal-qoraal oo uu soo saaray ayuu ku sheegay in Hawshaasi loogu talagalay in lagu ogaado […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya, Joseph Nkaissery ayaa amar ku bixiyey in dib loo baaro Liiskaasi, si looga saaro dadka aan sida sharciga ahayn isugu diiwaan geliyey inay yihiin Kenyan iyo dhinaca kale, dadka Kenyanka ee isku diiwaan geliyey Qaxooti ahaan.

Hadal-qoraal oo uu soo saaray ayuu ku sheegay in Hawshaasi loogu talagalay in lagu ogaado dadka sida been abuurka uga diiwaan gashan Xeradda Dhadhaab.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya, Joseph Nkaissery ayaa tilmaamay inuu Habkaasi fududeyn doono Hawsha Qaxootiga dib loogu soo celinayo Somalia, iyadoo Dowladda Kenya doonayso in albaabadda loo laabo Xeradda Dhadhaab oo ah tan ugu ballaaran Caalamka.

Waxa kale oo uu sheegay in la soo maxkamadayn doono Qaxootiga aan tegin Xafiisyadda dib loogu eegayo Liiska Qaxootiga  ugu dambeyn bishan December 31-da.

Hawlgalka dib loogu eegayo Liiska Qaxootiga ayaa la sheegay inuu  maanta ka bilowday Dhadhaab, waxaana la soo gebagebeyn doonaa bishan December 31-da.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Dowladda Kenya waxay Bishii November ee sannadkan ku dhawaaqday inay muddo 6 bilood dib u dhigtay qorshihii lagu xiri lahaa  Xeradda Dhadhaab, si fursad loogu helo in laga daba tago dadka labada jeer isaga diiwaan geliyey Liiska Qaxootiga.

Hay’addaha Caalamiga ee Samafalka iyo kuwa Xuquuqda Aadanaha ayaa cambaareeyey Go’aanka lagu xirayo Xeradda Dhadhaab, waxayna sheegeen in Qaxootiga loo hanjabo, laguna khasbo inay dib ugu laabtaan dalkooda hooyo ee Somalia.

Ilaa 3560-kun oo Qaxooti Soomaali ah ayaa ku sugan Xeradda Dhadhaab, kuwaasi oo horey uga cararay Colaadaha iyo Abaaraha ka jiray Somalia, inkastoo haatan Ammaanka Somalia wax badan iska bedeleen, soona laabteen Kumanaan qof o oQaxooti ahaan ugu noolaa Xerooyinka Qaxootiga ee dalalka Kenya, Yemen, Jabuuti iyo Ethiopia.

©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts