HomeWararMusharax C/llaahi Telefoon oo sheegay in la musuqmaasaqay Kursigii Beesha Shiikhaal Qudub...

Musharax C/llaahi Telefoon oo sheegay in la musuqmaasaqay Kursigii Beesha Shiikhaal Qudub ku lahaayeen Jubaland

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Musharax C/llaahi Xaaji C/weli “C/llaahi Telefoon” ayaa ku eedeeyey Guddiga Doorashadda Jubbaland inay u xagliyeen Musharixii isaga kula tartamayey Kursiga Beeshiisa C/raxmaan Dheere ee xubnaha Jubbaland uga mid noqonaya Aqalka Hoose ee Barlamaanka Federalka ee soo soda. Musharax C/llaahi Xaaji C/weli “C/llaahi Telefoon” oo  Radio Dalsan la wadaaagy moraal sida ay wax ugh dhaceen Kismayo […]

- Advertisement -

Musharax C/llaahi Xaaji C/weli “C/llaahi Telefoon” ayaa ku eedeeyey Guddiga Doorashadda Jubbaland inay u xagliyeen Musharixii isaga kula tartamayey Kursiga Beeshiisa C/raxmaan Dheere ee xubnaha Jubbaland uga mid noqonaya Aqalka Hoose ee Barlamaanka Federalka ee soo soda.

Musharax C/llaahi Xaaji C/weli “C/llaahi Telefoon” oo  Radio Dalsan la wadaaagy moraal sida ay wax ugh dhaceen Kismayo ayaa tilmaamay in Suldaan Maxamed Cusmaan Kabow xoog lagu afduubtay, lagana saxiixay Liiska Ergadda halka dhinac ee uu lahaa Musharaxa kale ee C/raxmaan Kulmiye Xersi “C/raxmaan Deere”.

- Advertisement -

“Waxen goáansaday inaan ku tartamo ergadi halka dhinac aheyd oo dhamaantood guryo ugu xareysnaayeen musharaxi ila tartamaayey , waxaan waqti badan galiyey inaan ergada la kulmö si aan siyaasadeeda fuga gado balse ma suuroobeynin waxaanse isku arki jirnay meelo qarsoodi ah iyo telefoono maadama ay nin meel ugu xareysanaayeen” ayu ku kiri qoraalkiisa C/laahi Telefoon

Waxa uu sheegay inay siyaasadiisa ay la dhaceen ergo gaareysa 30 mark arinkaas la ogaadeyna loo diiday inuu tartamo.

Musharax C/llaahi Telefoon waxa uu xusay inuu u dacwooday Guddiga Doorashada Mamulka Jubbaland, Guddiga Doorashada Heerka Qaran iyo Madaxweynaha Jubbaland, balse ay wax ka qaban waayeen, Sida ku qoran qoraalkiisa uu Radio Dalsan la wadaagay

- Advertisement -

Dhinaca kale, Musharax C/llaahi Xaaji C/weli “C/llaahi Telefoon”  waxa uu tilmaamay in uu dadaal u galaay sidii uu Ergooyinka ugu qancin lahaa inay isaga u codeeyaan, balse ay Guddiga Doorashadda Jubbaland ku gacan-sayreen arrintaasi, loona diiday inuu buuxiyo Foomka Codsiga Xildhibaanimo.

Musharax C/llaahi Xaaji C/weli “C/llaahi Telefoon” waxa uu ugu dambeyntii tilmaamay in la boobay Kursiga Beeshiisa ee xubnaha Juubaland ee Aqalka Hoose ee Barlamaanka soo socda, isla markaana la duudsiiyey Xuquuqdiisa Muwaadinimo ee isaga lagu dooran lada.

Jubalanad wax hada ka taagan dood ku aadan in ay gudiga u diideen inu gartamo wasiir Abdullahi Mukhtar oo ku eedeysan masuq balse wali u muuqda mid rajo leh inu tartamo

Si kastaba ha ahaatee, Maamul-gobaleedka Jubbaland weli kama hadlin cabashadda ka soo yeertay Musharax C/llaahi Xaaji C/weli “C/llaahi Telefoon”.

abdullahi-telefoon1

©Radio Dalsan

Latest stories