HomeWararKenya oo sheegtay inaysan mustaqbalka ka qeyb qaadan doonin Hawlgalladda Nabad-ilaalinta Caalamiga.

Kenya oo sheegtay inaysan mustaqbalka ka qeyb qaadan doonin Hawlgalladda Nabad-ilaalinta Caalamiga.

Date:

Related stories

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Todd Blanche Officially Scraps $1.8B ‘Anti-Weaponization’ Fund

Acting AG Todd Blanche officially rescinds the $1.8B 'anti-weaponization' fund, clearing the path for his confirmation after a standoff with Sens. Cornyn and Tillis.

Blanche Oo Baabi’iyay Sanduuqii $1.8 Bilyan

Agaasimaha Hawlaha ee Wasaaradda Caddaaladda Todd Blanche ayaa si rasmi ah u baabi'iyay sanduuqa $1.8 bilyan,

  Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya, Amina Mohamed ayaa hadalkaasi ku sheegtay Wareysi ay siisay Wargeyska The Star ee ka soo baxa Nairobi, waxayna si kulul u naqdisay Go’aankii ay QM xilka uga qaadeen Taliyihii Ciiddanka Nabad-ilaalinta QM ee joogta dalka Koonfurta Sudan, kaasi oo u dhashay Kenya. Amina Mohamed oo ah Musharax xilka Guddoomiyaha Ururka […]

- Advertisement -

 

Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya, Amina Mohamed ayaa hadalkaasi ku sheegtay Wareysi ay siisay Wargeyska The Star ee ka soo baxa Nairobi, waxayna si kulul u naqdisay Go’aankii ay QM xilka uga qaadeen Taliyihii Ciiddanka Nabad-ilaalinta QM ee joogta dalka Koonfurta Sudan, kaasi oo u dhashay Kenya.

- Advertisement -

Amina Mohamed oo ah Musharax xilka Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika “AU” ayaa sheegtay inay ka soo horjeedaan go’aanka xilka looga qaaday Jeneral Johnson Ondieki, waxayna intaasi ku dartay inay QM la xiriireen, balse aysan QM ka helin jawaab.
Jeneral Johnson Ondieki waxaa xilka Taliyaha Ciiddanka Nabad-ilaalinta QM ee Koonfuurta Suudaan loo magacaabay bishii June 17-da, iyadoo uu bishii July 8-dii qarxay Dagaalka Siyaasadeed ee u dhexeeyey Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa ee dalka Koonfurta Suudaan.

Dhinaca kale, Hadalka Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Kenya ku sheegtay inaysan mustaqbalka ka qeyb geli doonin Hawlgalladda Nabad-ilaalinta Caalamiga ayaa ku soo beegantay, iyadoo ay inta badan Hoggaamiyayaasha Mucaaradka dalkaasi ku baaqayaan in Ciiddanka Kenya laga soo wada saaro Hawlgalka ay u joogaan gudaha Somalia.

©Radio Dalsan

- Advertisement -

 

 

Latest stories