HomeWararTahriibayaal Somali iyo kuwo kale oo ku geeriyooday dooni ku degtay Xeebaha...

Tahriibayaal Somali iyo kuwo kale oo ku geeriyooday dooni ku degtay Xeebaha dalka Masar.

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Ugu yaraan 133 mayd ayaa la helay oo ka mid ah Boqolaal Tahriibayaal oo ay labo maalmood ka hor Dooni kula degtay Xeebta Burqa Rashiid ee Degmadda Rosetta oo 250-KM dhanka Waqooyi kaga toosan casimadda dalkaasi ee Qaahira. Saraakiisha dalka Masar  ayaa sheegay inay Kooxaha Gurmadka iyo Kalluumeysatd ku guuleysteen inay soo badbadiyaan ugu yran […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ugu yaraan 133 mayd ayaa la helay oo ka mid ah Boqolaal Tahriibayaal oo ay labo maalmood ka hor Dooni kula degtay Xeebta Burqa Rashiid ee Degmadda Rosetta oo 250-KM dhanka Waqooyi kaga toosan casimadda dalkaasi ee Qaahira.

Saraakiisha dalka Masar  ayaa sheegay inay Kooxaha Gurmadka iyo Kalluumeysatd ku guuleysteen inay soo badbadiyaan ugu yran 169 Tahriibyal, balse waxa u uweli jahwareer ka taagan yahay tirada Tahriibayaasha ee  weli la la’ yahay.

- Advertisement -

Afhayeenka Wasaaradda Caafimaadka Masar, Khaalid Megahed ayaa sheegay in 133 mayd la helay, halka Guddoomiyaha Gobalka Bexayra, Maxamed Suldaan sheegay in la soo saaray 148-mayd.

Ilo dhinaca Ammaanka ayaa sheegay in qiyaastii 600 Tahriibayaal la socdeen Doonidaasi oo degtay Jimcihii la soo dhaafay.

Mid ka mid ah Tahriibayaasha badbaaday oo Muquaal Video soo dhigay Baraha ay Bulshadda ku wada xiriiraan ee Social Media ayaa sheegay inay Mukhalasiinta doonida soo saareen ilaa 250 qof.

- Advertisement -

Saraakiisha ayaa sheegay inay Doonidaasi la socdeen Tahriibayaal ka soo kala jeeda dalalka Masar, Somalia, Sudan iyo Eritrea, waxaana la rumeysan yahay inay Tahriibayaasha ku wajahnaayeen Xeebaha dalka Talyaaniga.

Dhinaca kale, Ciiddanka Ammaanka ee Masar waxay Xabsiga dhigeen 4 ka mid ah Shaqaalihii la socday doonida la degtay ee ay dadka badan ku le’deen.

Hay’adda Caalamiga ee Muhaajiriinta ee IOM waxay sheegtay in ka badan 3,200 Tahriibayaal sannadkan ku geeriyoodeen, xilli ay doonayeen inay ka gudabaan Badda Mediterranean-ka, si ay u gaaraan Xeebaha Europe.

 

©Radio Dalsan

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts