HomeWararKenya oo sheegtay inaan Qaxootiga ku jira Dhadhaab xilligan lagu soo celin...

Kenya oo sheegtay inaan Qaxootiga ku jira Dhadhaab xilligan lagu soo celin karin gudaha Somalia.

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Jabuuti iyo Itoobiya oo Bilaabay Dhuun Shidaal

Jabuuti iyo Itoobiya ayaa bilaabay dhismaha dhuun shidaal oo dhererkeedu yahay 120 KM, taas oo isku xiri doonta Damerjog iyo Dewele, laguna doonayo in lagu fududeeyo gaarsiinta shidaalka.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalkaasi, Mwenda Njoka ayaa hadalkaasi ku sheegay mar uu la hadlay Wakaalladda Wararka REUTERS, wuxuuna xusay inaan Xeradda la xiri doonin sida uu qorshuhu ahaa bishan November 30-da. Waxa uu intaasi ku daray inaysan Dowladda Federalka weli damaanad-qaadin Adeegyadda Bulsho ee Asaasiga ee ay u baahan yihiin Qaxootiga ku soo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalkaasi, Mwenda Njoka ayaa hadalkaasi ku sheegay mar uu la hadlay Wakaalladda Wararka REUTERS, wuxuuna xusay inaan Xeradda la xiri doonin sida uu qorshuhu ahaa bishan November 30-da.

Waxa uu intaasi ku daray inaysan Dowladda Federalka weli damaanad-qaadin Adeegyadda Bulsho ee Asaasiga ee ay u baahan yihiin Qaxootiga ku soo laabanayo dalkooda Hooyo.

- Advertisement -

mwenda-njokaAfhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalkaasi, Mwenda Njoka waxa kale oo uu tilmaamay in Xeradda Dhadhaab oo ah tan ugu weyn Caalamka ay haatan ku jiraan ku-dhawaad 250,000 oo Qaxooti ah, inkastoo qiyaastiisa lala barbar dhigi Karin Tiro-koobka Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR oo ay ku muujisay inay 350,000 oo Qaxooti ah ku jiraan Xeradda Dhadhaab ee W/bari Kenya.

Hadalkiisa ayaa noqday Warkii ugu horreeyey ee ay Dowladda Kenya ku sheegtay inaysan xilligan xiri doonin Xeradda Dhadhaab.

dadaabKhubarada ayaa sheegay inay Qaxooti badan oo ka soo cararay Colaadaha Somalia si iskooda ugu laaban Karin ilaa laga xaqiijinayo Ammaanka iyo Adeegyadda Asaasiga, sida Dugsiyadda iyo Rugaha Caafimaadka.

- Advertisement -

Dhinaca kale, QM iyo Dowladaha Reer Galbeedka waxay uga digeen Dowladda Kenya inaysan khasab ku celinin Qaxootiga ku nool Xeradda Dhadhaab oo ay QM maamusho.

Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch oo uu fadhigeeda dhexe ku yaallo magaalladda New York, waxay bishii September sheegtay inay qaar ka mid ah Saraakiisha Kenya cadaadis ku saarayaan Qaxootiga Soomaaliyeed inaysan isaga huleelaan Xeradda Dhadhaab, kuna laabtaan dalkooda Hooyo.

©Radio Dalsan

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts