HomeWararMaxkamadda Sare ee Kenya oo bilowday dacwad ka dhan ah Go’aan ay...

Maxkamadda Sare ee Kenya oo bilowday dacwad ka dhan ah Go’aan ay Dowladda Kenya ku xirayso Xeradda Dhadhaab.

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Maxkamadda Sare ee Kenya ayaa maanta bilowday Dhegeysiga Rafcaan  ay soo buuxiyeen Labo Ururo Bulsho Rayid ah oo ka horjeeda Go’aanka ay Dowladda Kenya ku xirayso Xeradda Qaxootiga ee Dhadhaab. Guddiga Kenya ugu qaabilsan Xuquuqda Aadanaha iyo Ururka taageeradda Sharciga ee Kituo Cha Sheria ayaa buuxiyey Dacwadaasi, waxayna sheegeen in Go’aanka lagu xirayo Xeradaasi tahay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maxkamadda Sare ee Kenya ayaa maanta bilowday Dhegeysiga Rafcaan  ay soo buuxiyeen Labo Ururo Bulsho Rayid ah oo ka horjeeda Go’aanka ay Dowladda Kenya ku xirayso Xeradda Qaxootiga ee Dhadhaab.

Guddiga Kenya ugu qaabilsan Xuquuqda Aadanaha iyo Ururka taageeradda Sharciga ee Kituo Cha Sheria ayaa buuxiyey Dacwadaasi, waxayna sheegeen in Go’aanka lagu xirayo Xeradaasi tahay mid aan waafaqsanayn Dastuurka.

- Advertisement -

Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa qeyb ka ah Dacwadaasi, waxayna sheegtay inuu Go’aankaasi ka hor imaanayo Sharciga Caalamiga ee Xuquuqda Qaxootiga iyo Magangelyo-doonka.

Ku-xigeenka Agaasimaha Xafiiska Amnesty International ee Bariga Afrika, Michelle Kagari ayaa sheegay haddii la xiro Dhadhaab inay taasi masiibo ku tahay Kumanaanka Qaxootiga halkaasi ku nool, oo aan aqoonin meel kale oo ay aadaan.

“Dib-ugu celinta Qaxootogaas ee Somalia ma aha mid ay raalli ka yihiin, waxaana lagu khasbayaa inay laabtaan, iyadoo ay weli jiraan xaalladihii ay markii hore uga carareen oo aan weli soo hagaagin” ayuu yiri Mas’uulkaasi.

- Advertisement -

Wuxuuna intaasi ku daray in Tallaabadda Maxkamadda soo dedejin doonto inay Dowladda Kenya dib u eegaan Go’aankooda iyo Waajibaadka Caalamiga ee ka saaran Badbaadinta Qaxootiga.

Dowladda Kenya waxay bishii May 6-dii sheegtay inay Xeradda Dhadhaab xiri doonaan bishan November 30-da.

In ka badan 260,000 oo Qaxooti Soomaali ah ayaa ku nool Xeradda Dhadhaab, kuwaasi oo la doonayo in dib loogu celiyo dalkooda hooyo.

©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts